var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Shir looga hadlayo Mashaariicda Midowga Yurub iyo sida looga faaiideysto oo ka dhacay Muqdisho

Ilwareed Online –

Magaaladda Muqdisho  waxaa ka dhacay shir ay soo qabanqaabisay Wasaaradda qorshaynta ee dowladda Federeaalka, kaasi oo  looga hadlay sida looga faa’iidaysan karo  taageerada dhaqaale ee midowga Yurub  ku bixiyo mashaariicda  Dowlad wanaaga, amniga iyo Cadaaladda

shirka  waxaa   goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada Qorsheynta,  waxaana ka soo qaybgalay agaasimayaasha wasaarada amniga gaashandhiga, haweenka, arrimaha Gudaha iyo Xoghayaha Joogtada wasaarada Cadaaladda, waxaana Masuulayiinta  is dhaafsadeen talooyin ku  aadan hanaanka looga faa”iidesan karo taagaradaasi dhaqaale ee midowga yuurb ay ku baxinayso, iyo sidii mashaariicadaasi loogu saleyn lahaa tiirarka Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaaliyeed.

 

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta dowlada Soomaaliya Jamaal Maxamed wuxuu fafahin ka baxiyay ujeedada shirka, isagoo xusay in shirkaan uu leeyahay muhiimad gaar ah.

Shirkan oo ayan ka qaybgalin wasaaraddaha qorshaynta ee dowlgoboleedyada dalka  ayaa daba socday   kulamo  maalmalahii ugu dambeeyay ay wasaaradda Qorsheynta ay la qaadanaysay wasaaradaha dowladda ee  mashaariicda midowga yurub ka faa”iideysto.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: