var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Shir looga hadlaayo dhismaha Ciidamo Booliis ah oo Ammaanka dalka kala wareegaya Kuwa AMISOM oo maanta Muqdisho ka furmay.

Ilwareed Online

Boolis Soomaaliyeed oo la sheegay inay Ammaanka Dalka kala Wareegayaan Kuwa AMISOM oo dhismahooda soconaya.
Waxaa maanta dalka ka furmay shir loogaga hadlayo sidii loo dhisi lahaa ciidamo Boolis Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 32,000 oo isku dhaf ah kuwaasoo kala wareega amniga dalka marka ay dalka Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM.


Shirkani waxaa magaalada Muqdisho ka furey Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasi oo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.
Shirkani wadatashiga ah ayaa lagu soo bandhigayaa qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay isaga kaashadaan sugidda Amaanka Dalka iyo in AMISOM ay kaal wareegaan guud ahaan Ammaanka Dalka.

Maxmed Abuukar Islow Ducaale oo ah Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga warramay u jeedka shirkaasi, isagoo sheegay in la dhisayo ciidamo booliska ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo Amisom kala wareegi doona Amniga Dalka.
“Maanta Waxaan halkani isugu yeernay saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo heer Dowlada Goboleed, waxaana looga hadlaya qorshaha lagu dhisayo ciidamo Qaran,kuwaasi oo Amisom kala wareegay Amniga Dalka marka ay baxaan 2021,sida ay ku heshiyeen Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, sida aad ogtihiin shirkii London waxyaabohii ka soo baxay waxaa kamid ahaa in la dhiso 18 oo Ciidan Militari ah iyo 32 kun oo Boolis ah, kuwaasi oo ukala baxaya, Darwiish iyo ilaalada Xeebaha”, ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid ayaa ku booriyay saraakiisha ka qeyb qaadanaysa shirkani in ay la yimaadaan karti iyo aragti wanaagsan oo ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna balan qaaday in aragti midaysan ay ku lafagurayaan dooda shirka,si loo helo natiijo wanaagsan.
Dhanka kale shirkani waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobey ee taageera Hay’adaha Dowladda iyo tababarayaal Boolis, kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya tayaynta ciidamada.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: