var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Shiikh Caan ah oo Haregeysa lagu xiray

wadaad  imaanka  ka ah masjid ku yaala hargeeysa ayaa   Booliska Somaliland  xalay weerarku qaaday guriga uudaganaa Sheekha Wayne ee Aadan Sunne oo kamida culumada somaliland, qaar kamida shacabka degan hargeysana gaar ahaan Xaafada Siinaay oo uu daganaa wadaadka ayaa arinkani ku tilmaameen in ay tahay gardaro cad mid loogu soo duulay wadaadka ,

” ilaahay haka soodaayo wadaadka dowladu waxay ku haysataa maxaad cabdi cumar iyo itoobiya wax uga sheegtay taasi muwaadin in lagu xiraa waliba Caalimkeena ah waa gardaro ” RRU ma Somaliland bay u shaqaysaa mise itoobiya, waxaa sidaasi yiri midkamida dadka dagan xaafada wadaadka lagala baxay.

Tacaddigan oo ay xukuumada Somaliland ugu magacdartay Hawgal lagusoo qabqabansyo argagixisada joogta soomaliland ayaa lagu xidhayay caalinka weyn ee Sheekh Aadan Sunne oo kamida culumada ugu waawayn somaliland, Xsriga sheikha ayaa yimid ka dib markii uu Salaadii ciida khudbad uu jeediyay Shiikha ku sheegsy in ay itoobiya ay doonayso in ay Laayso ama xirto culimada soomaaliyeed iyo wixii wax garad ah ee bulshada ku jira.

Sigaara shiikhu wuxuu sheegay in Horjoogaha DDSI Cabdi Maxamuud uu yahay Shaqsiga kadambeeya in laxirxiro Culumada qaarna ladilo , sidookale xasuuqa dadka soomaaliyeed ninka ay itoobiya u adeegsanayso in uu yahay , wuxuuna bayaaniyay dhacdooyinka kadhacay gobolada qaar ee dhaca xaduudaha itoobiya dadka maatada ah ee lagu laayo maalinkii ta in ay tahay mid isaga uu masuliiyadeedu leeyahay ama soomaliland ama soomaaliya waxaadoonto dheh dadka lalaayay waa soomaali waxaa laayana waa itoobiyaan iyo dabadhilifkeega sida Cabdi iley.

Dowlada somaliland ayaaa wada baritaan ku aadan falka lagu soo eedeeyay sheekh aadan oo iminka kusugan xabsiga dhexe ee hargeysa, , dowlada ayaa wadaadka ku eedeyneysa in uu gacansaar laleeyahay kooxaha argagixisada gaar ahaan Alshabaab balsa wali laamaha anaanka Dowlada warcad kama soosaarin arinkaa inkastoo xalay gacanta lagu soodhigay wadaadka .

Isdifaacid Kadib sheekhu waa laqabtay xabsiga ayaana loo taxaabay waxaa suurtagala in ciidamada sirdoonka itoobiya oo waraysana sheekha in lagu wareejiyo oo ay u qaadaan dhankaas iyo jigjiga oo uu ka arimiyo Cabdi cumar oo uu sheekha khubadii ciida kobaha ladulmaray, West Ahmed guray

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: