Sheekh Shariif oo bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxada.

Guddoomiyaha Madasha Xibiyada qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta koowaad ee Ciidul Adxada.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay bulshada inay farxadda iyo isku marxabeyntooda la wadaagaan eheladooda iyaga oo ilaalinaya caafimaadka guud maaddaama uu jiro caabuqa Covid19, waxana bulshada uu ku boorriyay in ay qaataan talooyinka caafimaadka ee hay’adaha caafimaadka ay soo jeediyeen.

Dhanka kale Guud ahaan dalka ayaa maanta waxaa looga dabbaal dagay munaasabadda Ciidul Adxaaga oo maamnta ay tahay maalinteda kioowaad, waxaana gobalada dalka iyo Mgalaada Muqdisho ee Caasimadda dalka si weyn looga dareemay farxadda ciidda





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline