Sheekh Shariif Asluub Badanaa

Markaa dib u qooraansadey Raga Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Dowlada waxaa ugu Asluub badan Afkiisa laga Nabadgaley Shiikh Shiikh Axmed welina ma arag isagoo Falcelin ka sameynaya Hadalada Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha

Hase yeeshee Kooxaha kale Mucaaradka waxay ka badin waayeen In ay ku Mashquulaan Hadalada Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaare oo ah waxay maalin waliba naga badiyeen

1-Markaa arkey Khudbadii Madaxweynaha….
2- Markaan arkey heshiishkii Dowlada iyo wadan Hebel….
3-Markaan arkey sida uu Madaxweynaha uga hadley arrin heblaayo….
4- Markaan arkey sida Raiisu Wasaare Khayre uga hadley kulankii uu la yeeshey…

Waxaa Xaqiiq ah in hadaladaan Tirada Badan ee Mucaarad soo dhigayaan Baraha Bulshada in ay tahay mid ay ku Muuna Beelayaan Taageerana ku heleyn

Isku soo duub Raga Mucaaradka ah waxaa moodaa in uu ugu sumcad Balaaran yahay maanta Shiikh Shariif Shiikh Axmed Taageerana uu ku heley Aamusnaantiisa Akhlaaqdiisa Walaal wax Khayr leh Sheeg ama iska Aamus.

Amiin Yusuf Khasaaro





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline