var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Sheekh caan ka ah gobolka Sh/hoose oo xalay lagu dilay degmada Qoryooley

Waxaa maanta degan xaaladda degmada Qoryooley oo xalay lagu dilay wadaad caan ka ah gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii masjid uu ku sugnaa ay ku weerareen kooxo hubeysan.

Wadaadkaan oo lagu magacaabo Sheekh Ibraahim Kabacadde ayaa ku geeriyooday isla goobtaasi, kadib markii dhowr xabadood ay uga dhaceen madaxa iyo feeraha, iyadoo kooxihii falkaasi ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen.

Jameecada Masjidka iyo shacab ku soo baxay dilka Sheekh Kabacadde ayaa goobtaasi ka qaaday meydka iyagoona geeyay gurigiisa halkaasi oo saakay lagu aasay.

Dhinaca kale waxaa falkaasi cambaareeyay maamulka iyo bulshada degmada Qoryooley oo sheegay in dhacdadaasi ay tahay mid ku cusub ugaarsiga lagu hayo waxgaradka, odayaasha iyo culumaa’udiinka.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: