var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Sheeka Xariir!: Gaso, ganuun, Gasiin Q.45aad (Prof. Cali Jimcaale Axmed)

Sheeko, sheeko!
Sheeka Xariir!

Toxob ayaa ka yaabay sooryada meesha la keenay. Bariis la yiri waa baasarac oo lagu dhexkarshay hayl, qarfo, iyo sacfaraan. Waxaa dhinaca ka saarnaa hilib mutuq ah oo si fiican loo karshay oo ximin ximin ah. Inti aan bariidki loo keenin ayaa martidi faraxal loo keenay. Raggii oo wadar wadar u fadhiya oo isku saxan saxan ah ayaa hilibki iyo bariidki la soo hoosdhigay. Waxaa kale oo loo keenay barax geel. Waa barax galaasyo ku jira. Toxob ayaa haddana ka yaabay sida haaneedka ah oo dhallinyaradii meesha ka adeegeysay u kala socdeen, oo ay wax u kala aqoolayeen. Martidi ayaa hal mug gacanta la gashay suxuunti. Toxob ayaa muddo kadib gacanta kala baxay saxankii. Cagoolaa yiri, “Xaa hee kugu dhacay eebow, maadaaba wax cunay.” Toxob ayaa yiri, “Eebow, wit iyo wabax aan bariid iyo hilib ka iri, wax dambana iima noqdaan.” Wax yar kadibna, raggi kale ayaa iyuna sidoo kale gacanta kala baxay suxuunti. Waxaa dhallinyaradi meertada ahayd markale ay martidi u keeneen biyo qandaca iyo saabuun ay faraha ku dhaqdaan. Isku soo duub oo waxaa kuu muuqanaayey in martidi madasha fadhiday si haaneed ah loo sooray.

Waxaa inti raashinki la cunaayey bilowday roob mahiigaan ah. Xaaji Filay Dheere ayaa yiri, “Haddoo waa roob nimco iyo kheyr wata.” Isaga oo aan hadalki dhamayn ayaa nin meesha fadhiyay yiri, “Waa xagaa raba in ow ku faano wixi gu’gu qabtay.”

Xaaji Filay Dheere ayaa qoslay oo yiri, “Waxow doono ha ahaadee, marba wixi qabow iyo qaneeca keenaaya waa naruuro lagu diirsado.”

Rag badan oo goobta joogay ayaa isku raacay in hadalka Xaajigu ku qotomay run iyo indheergaradnimo. Muddo marki la xifaalootamay ayaa waxaa hadalki qaatay Xusuldheere oo ahaa curadki ninki fiddowgiisi loo fadhiyey. Waxa ow u mahadceliyay akhyaarti meesha fadhiday oo uu ugu horreeyey Xaaji Filay Dheere oo ay adoogiis ahaayeen saaxiibo dhab ah oo soorwadaaga. Waxa uu hadalki ku soo gebagebeeyay, “Xaajiyow, mahaan ma fadhiyo nin kaaga aqoonroon aabahey, ama kaa istaahila in ow laba eray fiddowgiisa ka jeediyo ee bal noo soo afjar fiddaha.”

Xaaji Filay Dheere ayaa suulkiisa iyo mudursatada gacantiisa midig kula falaaday gar cillaansan oo ay haybadi ka muuqato. Waxaad arkaysay in uu ku maqnaa fikir dheer iyo xasuus waayowaayo. Sida qof riiraxyoday ayuu sixinsaxday. Waxa uu yiri, “Hadal waxow ku dhanyahay inti aan mar hore ka sheegay eebowgeey. Wax dambe oo la yiraana ma harin. Waxa keliya oo aan idinku boorinlahaa waa in aan marnaba la ilaabin hal door mug keliya noo dhashay. Waxow ahaa nin xishooda, turmo badan, naxariiis loo hibeeyay, wanaagga dumma, dulmiga diida, danyarta u hiiliya, runta aan ka maagin. Waxow ahaa nin maad badan oo kaftankiisu xikmad iyo sarbeeb qoto dheerleh xambaarsan. Mug walba iyo meel kasta oo aad joogtaan ha ilaabina faalladi ow dul dhigay sheekadi seddaxdi dibi iyo dhurwaagi ee uu Qaadigi asal ahaan ka soo jeeday Fiin Gaduud noogu sheegay meeshi beri hore loo yaqiin Laan Qoyyan iyo Laamis aan Dhamaan. Mar kasta oo aan soo xasuusto ama aan madal ka sheego hadalkiisi murtida iyo miisaanka ku fadhiyey, waxaan Eebe uga mahadceliyaa nasiibka aan u helay in aan la kulmo maskax saas u dhiiftoon. Waa tii hore loo yiri, ‘Ninba ninkow ka fiicanyahay ama ka diracsanyahay ayuu hortiis tagaa ama dhintaa.’ Waase hee la kala horreeya ama lakala dambeeyaa uun ee ma jirto cid adduunka ku waareysa. Mugga akhyaarta madasha fadhidaay bal aan faataxada mar kale u marno eebow iyo inti kale oo xijaabatay.”

Raggi ayaa bilaabay in ay akhriyaan Faataxada. Ugu dambaysti Xaaji Filay Dheer ayaa ka codsaday Aw Khamaas oo ahaa kan ugu da’da weyn ee goobta joogay in uu ducadi kama dambaysta ahayd fadhiga ku soo gunaanado. Aw Khamaas ayaa ducadiisi ku soo afjaray, “Idinna noqda kuwi saan oo kale loo xuso muggi ay tiinu gasho. Igaarki madashaan quruxda badan dhigaynna usna gacantiisa tii koreysa Eebe ha ka dhigo. Kurtigiin guuleysta, iding Ally.” Sidaas ayaana lagu soo afjaray fiddowgi Xusuldheere u suubiyey adoogiis.

Cagoole ayaa gacanta qabsaday Xusuldheere oo dibedda ugala baxay qolki ay madashu tiil. Waxyar kadibna, waxaa soo noqday Xusuldheere iyo kuray la socday oo sida tebbed subag ka buuxo, dhowr baaquli oo ay ku jireen bariid iyo hilib, iyo weliba kaloorad buuxda oo caanihi baraxa geel ku jireen; waxaa  quudkaas  wehliyay lix glaas oo bac yar ku jira. Cagoole ayaa akhyaarti madasha fadhiday salaamay una sheegay in isaga iyo Toxob ay sii soconaayaan, maadaama ay Toxob sugaayeen ilmo isuma qaddo ah. War san iyo war san ayaa labadi rijaal iyo akhyaarti sii fadhiday is-dhaafsadeen. Cagoole oo Toxob ka haysta balbalka ama jinta midig ayaa debedda u soo baxay. Waxaa illinka taagnaa Xusuldheere iyo kuraygi la socday. Waxaa soorihi madasha u dhiibey Toxob raashinki oo ku jira dambiil iyo weliba glaasyadii oo isku dhexjira oo ku sii jira bac. Kalooraddi iyo tebbeddi iyagu waxay lahaayeen gar.

Toxob ayaa xishooday oo yiri, “Eebowyaal, intaas oo dhan ciddu uma baahna ee waxoogaa akhyaarta kale u dhaafa.”

Xusuldheere ayaa yiri, “Raashin iyo cabitaan intaan iyo intooda kale ka badan aa meeshaan yaal ee orod ee reerka quudi.”

Toxob ayaa yiri, “Eebow jira.”

Roobki mahiigaanka ahaa ayaa mar hore isu beddelay shuux ama fashiiq tiixa. Cagoole oo u jawaabaaya Xusuldheere ayaa yiri, “Halkaan fashiiqaa looma baahna in laga okorto. Mugga hee, walaalkeeyow, kheyr aan isku ognahay. Waxaan sii dhoweyhaayaa Toxob oo aan diiqdaan la sii qaadidoonaa ilaa iyo geed kaxarka u dhow goobta kabdhoodka lagu dheelo.” Sidaas ayay Cagoole iyo Toxob kobti fiddowga uga soo dhaqaaqeen. Inti aysan gurigi ka soo bixin ayay gacmaha u haatiyeen akhyaarti weli madasha fadhiday.

Waxay labadi oday ku soo dheceen dhabbihi ku sii jeeday goobti Kabdhoodka. Cagoole ayaa gacanta bidix ku sitay bac kale oo ay ku jirtay karbuunad ama tooj. Xusuldheere ayaa rabay in uu soo siiyo Toxob feynuus iyo liifad dheeraad ah, haseyeeshee, Cagoole ayay la noqotay in ay karbuunaddu dhaantay inta la walfinlahaa feynuus gaas ka buuxo. Muggi ay u soo dhowaadeen meeshi kabdhoodka ayuu Cagoole bilaabay in uu Toxob u tilmaamo astaamo teelteel ah oo jidka hareerahiisa ku yiil. Waxa uu yiri, “Yeey kaa dhumin astaamhaan ee si fiican u xasuuso. Gurigi fiddowga lagu qabay waxaa ku dhowaa geedo dalluuga, waxaan kaloon soo agmarnay geed ciin ah oo bidixda naga xigay. Waxaa hadda nagu soo bixidoona geed raqay ah oo keligiis meel duura ku yaal. Waa geed sheekooyin badan dadku ka samaysteen, asii aan hadda taariikhdiisa kuu gelikarin. Waxaa kaa ku sii xiga geed kaxarka aan agtiisa ku ballamidoono berri minnow Eebe idmo.” Waxyar kadibna waxay yimaadeen geed Gaxarki agtiisa. Cagoole ayaa weydiiyay Toxob haddii uu sii qaadikaray culaabta ow siday. Toxob ayaa yiri, “Xaan ku toornahay minaan intaan  hinjikarin.” Sidaas ayayna labadi oday isku macasalaameeyeen. Geed Kaxarka ayaa noo ballan ah ayay is-yiraahdeen.

La soco Q.45aad    

Sheeka Xariir!: Gaso, ganuun, Gasiin Q.42aad (Prof. Cali Jimcaale Axmed)

 
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: