SHACABKA PUNTLAND IYO BAARLAMAANKOODU XIRIIR UMA GOYN DAWLADOODA FADARAALKA

Waxaan wax badan xeerinayaa Madaxweyne Dani hogaamintiisa in aan ka faaloodo dhanka ciladihiisa hal sabab darteed. waxaa weeye nin salka aan dhigan kursiga wali,sidaa daraadeed fursad ayaan siinayaa inbadan oo arintaa ku qaydan.Hayeeshee waliba waxaan rajaynayaa xagiisa khayr ah in uu shacabka puntland iyo soomaaliyaba u tanaasulaayo oo dhanka hormarka iyo is raaca uu inbadan ka shaqaynaayo.

Gogoshii uu dhigay Groowe waxay ahayd tilmaan fiican oo shacabka guud ahaan soomaaliyeed iyo dawladooduba soo dhaweeyeen gaar ahaana shacabka Puntland si weyn oo heer sare ah. sababtuna waxaa weeye rabitaanka shacabka oo ah in lataageero dawlada fadaraalka ah oo haysata kalsoonida shacabka soomaaliyeed dhab ahaan. Maxaayeelay dalku dawlad buu ubaahan yahay samatabixisa khilaafna waa uu ka soo daalay shacabkuna xiiso uuma haayo talo xumo iyo is qabqabsi siyaasadeed iyo beelo kala jooga.

Bisaylka shacabka ayaa keenaayay in ay rajo fiican ka qabaan in gogoshii dani dhigay khayr iyo wada jir dawladnimo kasoo baxdo macnuhuna yahay in la raaco dawlada hada jirta oo haysata kalsooni shacab. alifaad hor leh iyo ka gaabin shacabku diyaar uma aha dana uma aha. shirkii wax wanaagsan ayaa kasoo baxay garoowe,walina rajaa la qabaa fiican.

SHacabka Puntland waxay safka koobaad ka yihiin taageerida dawlada soomaaliyeed iyo in ay guulaysato oo dalkeena soomaaliya noqdo dal kabaxay dawlad la aantii jirsatay nus qarniga. shacabka Puntland waxay u arkaan madaxda sare ee dalkeena sida Madaxweyne farmaajo iyo khayre waxay ay yihiin oo ah madax wadaniyiin ah hawlkar ah daacad u ah dadkooda iyo dalkooda oo hogaamin fiican.

Madaxweyne Dani magaranaayo waxa ku xanbaaray,hareer marida uu ku sameeyay shacabka Puntland xoriyadooda iyo rabidooda ma aha mid ka turjumaysa wixii loo doortay. Dikteeytarnimo iyo kali maroorsi mansabkii lagu aaminay, waxaan u jeedaa lagalama tashan baarlamanka Puntland lamana horkeenin,lagalama tashan shacabka Puntland arinta aan saxaafada uun ka maqalay ee uu soo saaray xukunka dani oo ah dawladii fadaraalka ah xiriirkii wada shaqayn waa u jaray!! hadalku fududaa meeshu se ma xero geelbaa saw manooliin wiilka yari goormuu na dardarayaa!?

Shacabka Puntland rabidooda ayaa axdigu ahaa in uu ugu shaqeeyo Dani ee ma aha in uu kaligii adeegto.Maamulka Puntland waxaad moodaa in uu yahay waligiiba dani haduu yimid ee meel kooxyari dano gaara ku fushato halkii ay shacabka Puntland talada iyo masiirkooda wax kala socod siin lahaayeen kuna shaqayn lahaayeen. waxaan maqli jiray "MAROODIGU TAKARTA SAARAN MA ARKEE TAKARTA MAROODIGAA KALE SAARAN BUU ARKAA" dawladii fadaraalka ayaa nala tashan wayday ayuu miiska keenay isagoo hareer maray la tashi daayoo in uu xogta siiyo shacabkiisa iyo baarlamaankiisa heer diktaytarnimo dhaaftay ku dhaqmaaya.

Waxaad dadkale ku haysato horta adigu samee oo halagaa arko waxaas,hadiise adiguba aadan samayn mid la hubaba in uu ku dhaamo laac laacidiis waa uun faduul iyo qar iska tuurnimo aan cidina kaa akhrisanayn kuuguna garaabayn.

Puntaland taladeeda iyo shaqaalaheeda iyo masiirka mustaqbalka shacabka lagama talo galiyo waana wax ka liita dikteeytar dhab ahaan oo wax lagu sheegaba lama yaqaan waa in eray bixin cusub loo doonaa. waayo dikteeytarku waxbuu reebaa wax walba kuma liito.

Hadii Puntland ay tahay guri Dani leeyahay,oo siduu doono kasamaynaayo, hadee shacabka yaan la lugayn ee runta ha loo sheego,hadiise ay tahay meel kawada dhaxaysa shacabka Puntland oo lawada lee yahay haku shaqayso rabitaanka shacabka oo ah maslaxadooda iyo rabitaankooduba mid ah lama taabtaan dawalada dhexe ee fadaraalka ah markay taagan tahay.Puntalnd rabid siyaasi ugaara iyo masiir lala baxsado way ka gudubtay.

Maadaama madaxweyne Dani uu cusub yahay waxaan ku gaabsanayaa toosi luquntaada hoosna fiiri waxaanu anagu rabno maha waxaad adigu rabto ama shaydaan kuu waxyooday. shacabka Puntland iyo dawladooda fadaraalka ah ee dhaxana cid kala dhex gali karaysaa majirto kii damacaasi galana waxa uu koradh saday oo kaliya in uu is dhaafsiiyo siyaasadiisa maanta iyo tan bariba,Nin tareemada dheereeya wadada u istaagay muxuu filan! shacabka Puntland iyo dawladooda dhexe waa tareenkaas.markaan intaa ka haro.

Waxaan Dani ka dareemaynaa rajo fiican marka laga hadlaayo arimaha dhaqaalaha oo ah in uu dhinaca furfurnaashaha dhaqaale u xayd xaydanaayo iyo in uu dhiso dhaqaalaha Puntland si dadka shacabka ah noloshoodu u wanaagsanaato,haduu arintaa ka dhabeeyo oo shacabka wax tuso waa dantiisa iyo danta bulshada uu masuulka u yahay ee aamintay.waxaana aragnaa in uu marti qaad ugu baaqay ganaacsatada soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa Puntland,in uu siinaayo fursadii iyo soo dhawayntii maal gashi ee Puntland. waxaan aragnaa sahan ilo ganaacsi oo uu u aaday dalka shiinaha siduu inoo sheegay,waana talaabo aad u fiican oo aan soo dhaweynayno. shacabka soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dawladnimo oo ay doonayaan waxayna diidan yihiin wixii kasoo haray oo ah hoog iyo halaag aduun.