var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Shabaab isku dhiibay Ciidamada Dowladda Federaalka

Ilwareed Online –

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo wata gaari nuuca Cabdi bilaha ah ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa K/Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay/

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow ayaa sheegay Shabaabkan in ay ka soo carareen howlagalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka.

“Waxaa is soo dhiibay xubno katirsan Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof, waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor, way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya,” Ayuu yiri guddoomiye Ibraahim.

Xubnahan Shabaab ka tirsan ayaa ka soo tagay degaan lagu magacaabo Carabow oo khayaas ahaantii 154-KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayaan.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyay Howlgalada ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in xubnaha qaar ee ka tirsan Shabaab ay Dowladda Federaalka isku soo dhiibaan.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed, but trackbacks and pingbacks are open.