SAWIRO:-Sarkaalka hoggaaminayay weerarkii lagula wareegay Bariire oo la dalacsiiyay

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo shalay booqday difaacyada  Ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire  Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu dalacsiiyay Sarkaalkii hoggaaminayay  weerarkii lagula wareegay deegaankaas.

Taliye Indha-Qarshe ayaa u kuurgalay xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda ee dhawaan deegaanka Bariire kala wareegay Al-Shabaab,isaga oo ku amaanay howlgallada ay Ciidamada Gobolka Shabeellaha Hoose uga saarayaan Al-Shabaab.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa uu dalaacsiiyay Sarkaalkii hoggaaminayay howlgalka lagula wareegay deegaankaas kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Cali Raagge,waxana loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle,isaga  oo horay u ahaa Dhamme.

Sidoo kale Gaashaanle  Cabdi Cali Raagge  ayaa waxaala guuddoonsiiyay Shahaado la sheegay in uu ku muteystay karti iyo waxqabad uu muujiyay,waxana taliye Indha-qarshe uu ugu baqay in uu siiwado dadaalkiisa ku aadan howlgalalda ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline