var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Sarkaaladii u horeysay oo loo magacaabay Agaasimaha Amniga Gobolka Banaadir

Ilwareed Online

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Taabid Cabdi Maxamed ayaa Sarkaaladii u horeysay u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Deriseynta Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa xilka Agaasimaha Amniga iyo Deriseynta loogu magacaabay Col. Zakia Xuseen oo ka tirsaneyd Booliska Soomaaliyeed.

 

Agaasimaha cusub ee Amniga iyo Deriseynta Gobolka Banaadir Col. Zakiya Xuseen ayaa xilka kala wareegtay agaasimihii xilka laga qaaday Mahad Xuseen Maxamed, iyadoo xil wareejinta uu goob joog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka dhanka Amniga

Col. Zakiya oo reer UK ah ayaa saddex sano ka hor ku biirtay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo ka tirsaneyd Qeybta Dambi baarista ee CID, ka hor inta aysan Booliska ka shaqeyn waxay ka tirsaneyd Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage.

 

Waa haweeneydii labaad oo qabata xilka Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir oo xilligan ku socda is bedel iyo isku shaandheyn, waxaa la filayaa in dhowaan dhowr Haween oo kale ku soo biiraan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: