var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo isku dhex dilay Gudaha Soomaaliya (Waa maxay sababta?)

0

Sargaal katirsanaa Ciidanka Dowlada Itoobiya oo kusugnaa gudaha Soomaaliya ayaa saakay isku dhax dilay xero Ciidanka Milatariga Itoobiya ku lahaayeen Degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Masuul katirsan maamulka Degmada Garbahaarey ayaa Wrabaahinta Muqdisho qaarkood u sheegay in sargaalka is dilay loo diiday in fasaxo la siiyo si uu u aado qoyskiisa oo kunool magaalada Adis Abababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Sargaalkan oon magaciisa la shaacin ayaa la tilmaamay in uu saakay isku dhax dal dalay xeradii uu ku sugnaa, waxaana meydka sargaalkaasi durba loo qaaday magaalada Adis Ababa oo la sheegay in ehelkiisa ku nool yihiin.

Ciidamada ka socda Wadamada dariska iyo ciidamada kale ee magaca AMISOM ku jooga Soomaaliya ayaa mararka qaarkood is dila kadib marka uu ku dhaco isku buuq, waxaana horey isku dilay ciidamo kale oo katirsanaa AMISOM oo ka howl galayay gudaha Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.