Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo xabsi la dhigay

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay xabsi dhigeen sarkaal sameeyay ku tagrifal awoodeed.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Xundubey ayaa lagu soo eedeeyay inuu Jirdilay xaaskiisa, kuna baahiyay baraha bulshadda.

Taliska ayaa ku adkeystay inaan marnaba loo dulqaadin karin in lagu xadgudbo sharafta iyo karaamada dadka Soomaaliyeed.

Ilaa iyo iminka Boolisku ma sheegin sarkaalkaan in maxkamad la soo taagayo iyo in kale.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline