var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Saraakiisha hay’adaha ammaanka oo soo saaray amaro cusub

0

Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyay kulan ay yeesheen saraakiisha hay’adaha ammaanka sida Milateriga, Booliska iyo nabad sugidda, waxaana shir guddoominayay Wasiirka amniga Dowladda Federaalka.

Kulanka dhex maray saraakiisha hay’adaha amniga waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah ku saabsan nabadgelyada magaalada Muqdisho, wuxuuna u qornaa sidaan:-

1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa talaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xeraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 Julay ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeynaya.

Gabagabadii go’aanada ka soo baxay madaxda hay’adaha nabadgelyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan iska hor imaadyo ay wajahayaan ciidamada xasilinta Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.