Sannad-yahow Cusubi Horay usocodka mooyee noqosho dambe maya!!!

Xeerooyinka dhibaatooyinka ku caan baxay ayay Soomaaliya ka mid ahayd 20 sanno ee la soo dhaafay, hase ahaatee waxaa taas aasaas u ahaa dhicitaanka dagaalkii ku billaawday weji siyaasadeed hase ahaatee isku rogay mid qabiil, kaasoo keenay in Soomaaliya u horreyso noqotana xerooyinka dhibaatooyinka ku caanbaxay.

Halkaas waxaa ka billaawday burbur buun la isugu yeeray, waxaa meesha ka baxay amnigii guud iyo nabadiiba, waxaana boosaskooda galay in ay soo baxaan dad Soomaaliyeed oo lid ku ah horumarka iyo nabadda, halkaasna waxaa ku baaba’ay hamigii loo qabay in Soomaaliya ay ka muuqato masraxyadii siyaasadeed ee u horseedi lahaa nabadda iyo isu soo dhawaanshaha caalamka.

Taas waxaa ka sii daranayd wararka la abuuro oo dadka maskax faradka qaba ku afuufi jireen dadka intiisa kale wax kastoo xumaan iyo dhibaato keeni kara, shaki la’aan Soomaalidii waa la kala diray dabcan waa ayna is dishay halkaasna burbur baahsan ayaa ka dhashay sannadba sannadka kale ayuu isku dhiibay iyadoo sannadba sanadka ku xigay uu warbixin isa siinayay.

Sannad yahow cusub cadawgii damac baa ku jira, weli colaadii waa taagan tahay inkastoo aysan xooganeyn, waxaana jira weli xaalado caafimaad oo liita iyo heerkii waxbarashada oo loo wajahay si aan dowli ahayn iyadoo taasna ay keentay in uu jahwareero manhajkii guud ee waxbarashada Soomaaliya.

Sannad yahow cusub dagaalka wadnihiisa weli sooma shaac bixin, waxaan taas ka wadnaa in aan weli la helin cidii si dhab ah ula dagaalami lahayd arrimahaan:

Amni sugan. Maxaynu ka wadnaa amni sugan? waa in uu jiraa ammaan la isku halayn karo, mowduucaasi dowladda Soomaaliyeed ee maanta wel welkeeda ugu weyn waa taas, dowladda waxaan ka rabnaa in laga helo Ciidamadii qalabka siday ee u dhaqaaqi lahaa, kuwaasoo laga rabo in ay dabar gooyaan wixii kibra ee qooqa, iyo noocyada lidka iyo caqabadda ku ah horumarka iyo danaha umadda Soomaaliyeed, mana ahan in ay shacbiga kusii dhex jiraan cadowga.

Sannad yahow Cusubi, waxaa iigu daran weli waa Caddaaladda oo liidata saas darteed waa in ay caddaladdu noqotaa mid faaftay oo gaartay tuulaba tuulada ka sii dambeysa.

Sannad yahow cusubi waxaan ognahay in Soomaalida inteeda badan ay sanka isla raac raacdo, waxaana la yiri soomaaliga wuxuu u xoog badan yahay soomaaliga kale iyadoona dulmiga iyo isu awood sheegashadu ay tahay midda ugu daran, waxaana dowladda ka codsaneynaa in ay naga suuliso waxa la yiraahdo dulmiga iyo dilka joogtada noqday, waana arrinta ugu daran ee shacbi sata ee kala geysa, si aysan shacabka soomaaliyeed ugu dhicin tii ku dhacday shiicadii ismaaciiliyada sannadkii 655-tii ee Hijriyada ee dhinac walba looga suu duulay.

Sannad yahaw cusubi, shaki la’aan waxay shacabka soomaaliyeed kaa sugayaan in aad u noqoto mid guul u sida, sidii labadii sano ee adiga kaa horreysayba, waxy kaa rajeynayaa in aad noqoto mid ku saacida horumarka iyo nabadda si ay ugu qumaan howladooda mid guud iyo mid gaar ahba.

Taas darteed, shacbiga Soomaaliyed, waa shacbi maskiin ah, oo haddii uu arko hoggaan toosan ku toosaya haddiise loo horseedo waddo qaloocan shaki la’aan waddadaasi waxaa horboodi doona dadkii horboodi jiray ee dalkaan la degay.

Sanadyahow cusubi, waxaana dilay wararka la been abuuro, waxaa markaas lays waydiinayaa side wararkaas oo kale looga hortagaa meelaha ay ka soo burqanayaan? inkastoo maanta Muqdisho ay isku hardinayaan iskuna ciriirinayaan afartameeyo idaacado oo dhammaantoodba wada ganacsi ah, anteenooyinkoodana isku dhaw dhawyihiin, iskuna ciriirinaya hawada mid walba waxaad ka dareemaysaa in ay ku jirto ciriiri oo an si fiican loo maqlaynin, waxaana taas sabab u ah, iyadoo aan cidna kantaroolin anteenooyinkooda, waxaana laga doonayay in Wasaaradda Warfaafinta ay arrintaasi u kuurgasho hab dhaqanka idaacadaha ku dhaqma isku dirka iyo been abuurka iyo weliba iska horkeenka shacabka iyo dowladdooda.

sidaad darteed sannad yahow cusubi waxaa lagaa filayaa in aad soo bandhigto sannadkan barnaamijo cusub oo qorsheesan oo sanka isku haya oo shacabka ay ka manaafacsadaan, dadku waa in ay helaan wax ay ku mashquulaan, laakin ma aha taas micneheedu in lagu mashquuliyo mooshin iwm.

Si loo kala adeegto waa in la helaa siyaasad bulshada jiheysa una jihaysa jihada dhabta ah ee horumarka sida beeraha iyo kalluumeysiga warshadaha iyo wax soo saarka dalka.

Dowladdu waa inay ku fikirtaaa dalkaani sidii baahida looga bixin lahaa loona gaarsiin lahaa dhaqaale qof waliba oo soomaali ah ku filan.

Sannadyahow cusubi, waxaan rajeynaynaa in dowladdeennu u dhaqaaqdo dhinaca kobcinta dhaqaalaha, iyadoo raadineysaa ilaha ugu dhow ee lagu gaari karo isku filnaasho, waa in la helaa khubarro dadka kala taliya dhaqaalaha iyo tayaynta, laguna wacyigeliyaa shacabka in ay u qumaan wax soo saar.

waxaan taasi ka wadnaa in hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladdu waxa ay qaban karaan in aan fursad loo siin hay’adaha aan dowliga ahayn.

Warar horudhac ah laakiin aan ahayn wararka aan la hubin waxay sheegayaan in hay’adaha qaarkood ay lacagahooda ku shubtaan hay’ado aanba dowli ahayn iyadoo dowladduna ay leedahay Banki dhexe.

Sannad yahow cusubi, shacabkani maxay u baahan yihiin dowladina looga baahan yahay adeegyada soo socda in ay iyada gacanta ku hayso si siman shacabkeeda u gaarsiiso, si halkaasi uu uga baxo ganacsadaha dhiigga ka miirtay shacabka soomaaliyeed ee maanta gacanta ku wada haya ilaha dhaqaalaha ee ka yeesha sida ay iyagu doonaan dalka? Kow anaa kuu sheegaya

  • In Bangiyadii dalka dib loo soo nooleeyo si ay u shaqeeyaan
  • Isgaarsiinta dalka oo dhowr farac ah waa in lagu soo celiyaa halkii loogu talagalay ee Boostada iyo Isgaarsiinta, lagana helaa dhammaan adeegyadii ay bixin jirtay.
  • Korantadii dalka ee la ogaa halka quwad ahaan ay joogtay kacaankii iyo wixii ka horreeyayba waa in ay ku soo noqotaa gacanta dowladda waa in waxaasoo dhan lagu soo celiyaa gacanta dowladda
  • Aaway biyihii macaana, aaway wakaaladdii biyaha, waa in ay si dhab ah u shaqeeyaan hay’adaha dowladda u qaabilsan arrimaha aan soo sheegnay oo dhan waa in ay u howlgalaan in ay gacanta dowladda ku soo celiyaan dhamman adeegyadaasi oo shacabka ay uga baahan yihiin dowladdooda.
  • Dugsiyadii waxbarashada ee lacag la’aanta ahaa oo mar waliba aad arkeyso in lagu afgobaadsado haddana aan wax sidaasi u buuran aan laga qabanin, shacabku way la socdaan baahidooda iyo halka ay marayaan, waana looga fadhiyaa dowladda in ay noqoto dowlad ee aysan ku fasixin wax waliba ganacsade ku baraaray dhiigga shacabka.
  • Halkaan laguma soo koobi karo baahida shacabka ay uga baahan tahay dowladda balse aan kuu tilmaamo qaar ka mid ah, anigoo weydiinaya dowladda soomaaliyeed si ay ugu baraartugto wax aka maqan shacabkeeda

Aaway Jardiinooyinka dalku lahaa? Aaway goobahii Caafimaadka ee lagac la’aanta ahaa, Aaway dugsiyadii khasabka ee lacag la’aanta ahaa? Intaasi iyo intii aan kor ku soo xusayba sow loogama baahna dowladdeenna, haddaba sannadyahow waxaan dooneynaa in wax laga qabto, waxaan ku soo xusuusinayaa sannad yahaw cusubi halka uu gaaray dalkeenna dhinaca warshadaha, dalkeennu wuxuu lahaa:

  • Warshadda Burka
  • Warshadda Baastada
  • Warshadda Caanaha
  • Warshadda Sigaarka iyo Taraqa
  • Warshadda Yaanyada iyo Yoogada
  • Warshadda Sonkorta oo laba Warshadood kala ahaa
  • Warshadda Karoonka
  • Warshadda dharka ee Somali Tex
  • Warshadda Shamiintada
  • Warshadda kabka iwm

Sow in loo dhaqaaqo maahan side dhaqaalaha dalka lagu kobcinayaa haddii halkaa hoose uun la eego, si dhaqaalaha dalka u furfurmo waa in dowladdeenna qiimaha badan ku dadaashaa sannadkaan in ay horumariso dhinaca dhaqaalaha dalka, waayo baahida waxay keentaa in dadku isku mashquulo, waana waxa ugu badan ee keena is xagxagashada waayo qofku hadduu heli wax uu cuno wuu kaa seexanayaa laa kiin ha sugin qof baahani in uu kaa seexdo.

Sannad yahow cusubi, Qof walba wixiisa ayuu quruxsadaa, marka taas darteed haddii bankiga lala dagaalamo waxaa keenaya laba arrimood oo kala ah:

in aan lagu kalsoonaanin shaqadiisa, taas oo micneheedu ay tahay in aan la aamin sanayn oo laga door bidadayo hay’ado kale, ama maahee waxay sheegaysaa tan labaad in bankiga laga hufan yahay, taas darteed, kama soo horjeedno in ay shaqeeyaan kuwa gaarka loo leeyahay laakiin waxaa muhiim ah in hay’adaha dhaqaalaha ee dowladda in ay noqdaaan kuwa wax xakameeya ee maha in iyaga la xakameeyo.

Tusaale yaa ilaaliya qiimaha shilinka Soomaaliya? dabcan Bankiga dhexe ayay mas’uuliyaddaasi saaran tahay hoos u dhiciisa iyo kor u kiciisba, isagu waa inuu ilaaliyaa markaasi ee ma aha markaasi hay’ad iyo hay’ado gaar loo leeyahay in ay ilaaliyaan.

Waxaa kale oo la yaab leh in shacbiga iyo Dowladduba ay hal mid isaga mid yihiin, waxay dowladdu raacday wixii shacbiga lagu sanduleeyay in ay qaataan, matalan aaway qiimihii shilinka Soomaaliga xaguu ku dambeeyaa, maanta waxaa ka haray lacagta kunka shilin oo kaliya, wixii ka dambeeyay oo dhan waxaa liqay hoggaamiya kooxeedyadii iyo ganacsatada fiiqata maqaarka shacabka.

Marka hal arrin oo talo ah Ayaan qabaa sannad yahow cusubi, waa maxay taasi, in dowladdeenna ay gacanta ku dhigto wax walboo ay shacabkeedu u baahan yihiin haddeey ahaan la hayd dhanka Dhaqaalaha, Caafimaadka iyo waxbarashada, iyo shacabka oo loo jiheeyo dhanka wax soo saarka, beeraha iyo dhaqashada xoolaha.

Talo, wanaagsan waxaan u arkaa sannad yahow cusub, in lacagta adag in aysan dalka ka bixin oo la joojiyo, sidoo kalena lacagta adag ee qaadka ku baxdana la joojiyo waayo, waayo waxay ka mid tahay dhibaatada dhaqaalo xumo ee dalka heysata.

Dhankeeda dowladda waa in ay baartaa soona saartaa macdanta iyo badroolka afka uun laga sheego ee dadweynaha lagu sasabo mar walba, waa in laga dhabeeyaa sannadkaan, dowladdu ma kilinka 5naad ayey ka liidataa waa maya jawaabtu, fur godadka xirxiran aan aragnee marunbaa ma beenbaa.

Sannad yahow waan ku soo dhaweyneynaa annagoo weli gaarin halkii aan jecleyn, balse waxaan kaa rajeynaynaa haddii aadan wax noo qaban doonin inaadan wax noo dhimin.

Qoraa: Osman Dhiblaawe.

 

 





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline