var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Sanbalooshe oo Xabsiga Dhigay Agaasime Ka Tirsan Madaxtooyada Soomaaliya

Ilwareed Online

Mas’uul ka tirsanaa Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta si lama filaan ah casbasho ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Soomaaliya, salaadii Jimcaha kadib.

Arrintan oo dadkii masjidka ku jiray oo u badnaa siyaasiyiin, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin la yaab ku noqotay ayaa Agaasimaha howlaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya C/raxiim Ibraahim Muudey ku soo bandigay tacadi iyo sharci darro lagu kala kacay, isagoo sheegtay in dulmi weyn lagula kacay.

Wuxuu ku cawday qaab sharci darro ah loola dhaqmay isagoo shaqadiisa wata, loo diiday inuu xafiiskiisa iyo madaxtooyada soo galo, isla markaana la handaday kadib markii si qasab xafiiskiisa looga saaray, iyadoo warqad ah in aanu soo geli karin laga dhigay Madaxtooyada, xilkana laga qaaday, wuxuuna arrintiisa gaarsiiyay mas’uuliyiin badan oo ka qaban waayay.

Agaasimaha Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugnaa Masjidka ayaa hadalka ka dhex galay agaasimaha, isagoo ku canaantay inaan arrimaha noocaasi ah looga hadlin Masaajidda, laakiin waxaa agaasimaha dulman u hiiliyay xildhibaano masjidka ku sugnaa oo isla goobta ka sheegay in wixii dulmi ah ee ka jira Villa Somalia meel kasta lagu sheegi karo.

Dhacdadaas kadib ayaa la sheegay in taliyaha NISA uu amray in la xiro agaasime C/raxiim Ibraahim Muudey, iyadoo taliyaha ciidamada Madaxtooyada uu xabsiga u taxaabay, wuxuuna saacado ku jiray xabsiga Madaxtooyada intii aanu xaaladiisa soo faragelin Wasiirka Amniga, iyadoo xabsiga laga sii daayay galabta.

Arrintan ayaa ka mida kiisas hareeyay Villa Somalia oo ku saabsan tallaabooyin xilalka looga qaadayo dadkii hore uga howgeli jiray madaxtooyada oo qaarkood loo marayo dariiq khaldan, iyagoo qaarkoodna lagu kacay tacadiyo ay jirdil iyo handadaad ka mid yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Madaxtooyada haweeneyda lagu magacaabo Aamina Saciid ayaa ku saxiixan qoraal la sheegay inuu soo diyaariyay agaasimaha guud Fahad Yaasiin oo shaqada looga ereyay Agaasimaha howlaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya C/raxiim Ibraahim Muudey.

Arrinta agaasime Muudey oo muddo soo socotay ayaa gaartay masjidka Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo cabashadii uu halkaasi ka sheegayna ku mutay in xiro, taasoo caddeyn kale u ah waxa ka socda dhowaanahan Villada looga taliyo dalka Soomaaliya.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: