var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Salaad Cali Jeelle oo Weerar kuqaaday Madaxda Maamulada *Daawo*

Ilwareed Online

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo si weyn utaageera dowlada Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay in Soomaaliya ay gaari doonto heerkii ugu sareeyay.
Waxaa uu sheegay inuu ku qanacsan yahay qaabka ay ushaqeyneyso dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa.
Laakiin, waxaa uu si layaableh uga hadlay baarlamaanka iyo maamul goboleedyada oo uu ku tilmaamay kuwa calooshooda ushaqeysanaya.

“Xildhibaanadan maamulada ayaa soo xushay, waxaana ay diyaar uyihiin oo ay meesha ujoogaan iney fashiliyaan dowladda”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle
Dhanka kale, waxaa uu tilmaamay in dalalka Carabta ay ka shaqeynayaan sidii loo fashilin lahaa dowladda Soomaaliya taasna ay u marayaan maamul goboleedyada i yo xildhibaanada.

“Waxaaba ay haystaan kuwa sida ay doonaan u yeelaya oo kaliya ay wacayaan oo ay dhahayaan anagaa howshaas qabaneynee na taageera”.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo wali sanadkeedii koobaad ku jirta ayaa lagu amaanaa qodobo badan, inkastoo la aamisan yahay iney lumisay taageero badan oo ay ku laheyd dhanka bulshadda.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: