var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Raila Odinga oo Sheegay Inuu Ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Kenya *Daawo*

Ilwareed Online

Shri ay maanta ay qabteen madaxda xisbiga NASA ayaa waxaa ay ku sheegeen in doorashada madaxweynaha uu ku horeeyo musharaxooda Raila Odinga.

Musalia Mudavadi oo katirsan madaxda xisbigaas oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Raila oo ka cod badan yahay Uhuru Kenyatta sidaas darted isaga uu noqonayo madaxweynaha Kenya.

Waxaa uu sheegay iney hayaan codad dhan 8 Milyan oo uu helay Raila halka Uhuru uu helay 7 milyan oo cod sidaasna ay ku hogaaminayaan doorashadda.

“Waxaa uu musharaxa Raila helay 8 Milyan, Uhuru ayaa isna helay 7 Milyan, laakiin waxaan sugeynaa daqiiqada ugu dambeysa ee natiijadda lagu dhawaaqayo”ayuu yiri Mudavadi.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay in xogtan ay ka ogaadeen kooxda uqaabilsan tirinta codadka ee ku sugan xarunta doorashadda.

Raila ayaa sheegay inuu la hadli doono saxaafadda marka lagu dhawaaqo natiijadda rasmiga ah.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: