var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ra’iisul Wasaaraha Australia oo ka hadlay dil uu geystay Sarkaal Soomaali ah

Dowladda Australia ayaa dalka maraykanka ka dalbatay in ay faahfaahin ay ka bixiyaan dil haweeney udhalatay dalkaasi loogu geystay magaaladda Minneapolis dalka Maraykanka

Ra’iisal wasaaraha Australia Malcolm Turnbull oo saakay la hadlaayay warbaahinta ayaa ugu baaqay qunsulka guud ee Australia ee magaaladda Chicago in ay wax ka waydiiyaan Maraykanka dilka haweeney dalkaasi udhalatay oo lagu dilay gurigeeda hortiisa.

Ra’iisal wasaaraha Australia ayaa dilkaa ku tilmaamay mid toogasho ah isagoona sheegay in ay aad ugu naxeen falkaasi dilka ah.

Haweeneeyda la dilay ayaa lagu magacaabaa Justine Damond,waxaana dilkeeda lagu eedeeyay labo sarkaal uu mid asalkiisu yahay soomaali-maraykan ,isla markaana lagu Magacaabo Mohamed Noor

Waxaana la sheegay in ay hadda labadaasi sarkaal ay ku socoto baaritaano ku aadan dilka haweeneeydaasi .

Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges iyo Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska ayaa shir jaraaid kuwada qabtey magaalada Minneapolis, waxaana ay ku shaaciyeen in labada sarkaal ee Mohamed Nuur iyo Methew Harati lagu eedeeyey falka dilka haweenayda u dhalatey Australia.

Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa walaac xoogan ka muujiyey falka dilka ah ee lagu eedeeyey Maxamed Nur inuu u geystay Justine Damond oo 40 jir ahayd.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: