Ra’iisal Wasaare Kheyre oo dardaaran culus u jeediyay ciidamada NISA + Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa kula hadlay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA xaruntii hore ee Xisbiga kuwaas oo ka howlgeli doona sugidda amniga Muqdisho.