var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada oo Muqdisho ka bilaabay olole nadaafadeed + Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay olole Nadaafadeed oo ay horkacayaan oo wax looga qabanayo bilicda magaalada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka hadlay howshaan ayaa sheegay in u jeeddada laga leeyahay ay tahay in masuuliyiinta shacabka ay ku dhiira galiyaan inay ka shaqeeyaan Nadaafada magaalada.

Wasiirrada Wasaaradaha Haweenka iyo Kalluumaysiga oo iyaguna ka hadlay ololaha Nadaafadda oo ay maanta qayb ka ahaayeen ayaa sheegay in Nadaafaddu ay muhiim u tahay bulshada iyo Magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shacabka ugu baaqay in bilkasta Khamiista ugu danbaysa ay isku soo baxaan dadweynaha Soomaaliyeed si ay uga qayb qaataan howlaha Nadaafadda ee dib loogu soo celinayo bilicda Caasimadda.

Dhinaca kale ololaha nadaafadeed ee Golaha Wasiirada ayaa hakad geliyay kulankii Khamiislaha ahaa ee toddobaadkiiba mar yeelan jireen, kaasi oo lagu bedelay ololaha nadaafadeed.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: