var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka degay dalka Qatar + Sawirro

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar, waxaana soo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Madaxda dalkaasi.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa ay ka qeyb galayaan Shir Caalami ah oo Berri ka furmaya Magaalada Doxa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu nabad tagay Doha, isagoo xusay in kulamo muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya la yeelan doono madax kala duwan.

Qodobada Shirkaasi looga hadlaayo waxaa ka mid ah Dhaqaalaha,maalgashiga,amniga iyo xiriirka Waddamada Bariga dhexe.

Waa safarkii u horeeyay ee Ra’iisul Wasaaraha dibadda ku tago, tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii February.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: