var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo is casilay

Ilwareed Online –

Warbaahinta dalka Itoobiya Haiemariam Desalegn ayaa shaacisay in uu xilkii ra’iisal wasaarannimo iska casiley. Waxa uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF.

Warkan ayaa waxa baahiyay TV-ga dowladda maamusha ee EBC TV Ma cadda sababta ka dambeysa is casilaaddan deg degga ah.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa is casilaadiisa warar kala duwan ka soo baxaya, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in is casilaadiisa ay ka dambeysay xaaladda dalka Itoobiya oo bilihii ugu dambeeyay qasneyd.

Dhinaca kale Ra’iisal Wasaaraha is casilay Haiemariam Desalegn ayaa xukuumadiisa waxay dagaal xoogan kula jirtay sidii ay uga hortegi laheyd dagaallada qowmiyadaha dalka Itoobiya, sida Oromada iyo Soomaalida oo dagaal dhex maray.


Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author