Raiisal wasaaraha Dalka Kuwayt oo iscasilay.

Raiisal wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa maanta oo Arbaca ah iscasilaadda xukuumadiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas Shiikh Nawaaf Al-Axmad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuwayt.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii wasiirro ka tirsan xukuumadda ay shalay is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.

Xubno ka tirsan  baarlamaanka dalkaas ayaa hore u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado baarlamaamnka si wax looga waydiiyo qaab dhismeedka xukuumadda





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline