Rag Ayaan u Aqaanaa Ninkii Fura Waddooyinka Xiran!!!

Waa la gacan galay, meel furan waa yar tahay, jid walba waa la xiray, Xamar laba Gedi {Dhinac} ayaa loo kala qeybiyay, istaag, noqo, ha ii soo dhawaanin iyo iga fagoow ayaa lagaa hor-keenayaa markii aad tagto Green-Line kala qeybiya Muqdisho.

Xilligu waa subax hore, aniga iyo Akhyaar kale oo badan waxaan la soconaa oo gurigiisii rumaad u wadnaa Meyd ka dhacay xaafaddeena, jihadeenu waa khabuuraha Barakaat, markii aan gaarnay halka ay yaalaan dhagxaanta kala qeybisa Muqdisho ayaa waxaa nagala hor keenay dib u noqda!

Wadaad Koofiyad weyn oo Meydka wax kala socday ayaa cod dheer ku yiri ” Meyd ayaan wadnaa” hadalkii Wadaadka cidna dheg jalaq uma siinin, askari goobta taagnaa ayaa ku adkaystay inuu Caddaalad sameynayo, sidaasi daraadeed-na ay waajib tahay inaan kala wareegno.

Dood dheer kadib waxaan aqbalnay inaan u hogaasanno amarkii askariga, baabuurtii aan wadanay ayaa la fasaxay, baabuur cusub ayaa ka ijaaranay dhinaca kale ee kala wareega, qarashkii aan ku soo talagalnay mid ka badan ayaa na galay, Annaga oo la yaaban xaalka na qabsadey ayaan tagnay halkii ay jihadeenu aheyd.

Isla dhacdadii hore oo kale ayaa na qabsatay markii aan ku soo laabanay halkii aan saakay marnay, baabuurtii nagala reebay oo halkoodii nagu sugayso ayaa dib u soo raacnay, yaab iyo Aamusnaan ayaa ku nimid xaafaddii aan ka tagnay!

Oday ka mid ah dadkii duugta ka soo laabtay ayaa yiri “Aaway balanqaadkii Duqa Cusub ee Muqdisho” mid meesha ka dhawaa ayaa yiri ” War muxuu ahaa Balanqaadkaas aad sheegayso ”

Intii aanu Odaygu Jawaabin ayaa mid kale hadalka boobay oo yiri ” Duqa Cusub wuxuu balanqaaday inuu waddooyinka furayo” Qosol ayaa lala dhacay markii hadalkaas la maqlay, Aamusnaan yar kadib ayaa Oday kala oo Gogosha wax ka fadhiyay wuxuu ku cataabay “Alla run ma sheegin Duqa cusub”

Sheekadii ayaa dheeraatay, dhibaatada lagu qabo xirnaanshaha waddooyinka ayaa la wadaagay, Go’aan waxaa lagu gaarey in Duqa loo tago laakiin waa laga noqday kadib markii la xaqiiqsaday inay adag tahay aragtidiisa iyo inaan waxba laga qaban doonin cabashadooda ku aadan xirnaanshaha waddooyinka.

Nin la iigu sheegay inuu ahaa Malaaqa cidda oo intii ay doodda socotay iska Aamusnaa ayaa ayaa yiri ” Horta illaahaa joogo, Rag-na waxaan u aqaanaa ninkii fura waddooyinka xiran”





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline