R/W Kheyrre oo xalay kormeeray qaar ka mid ah Xaafadaha Muqdqisho

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo masuul ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Taliyaasha Ciidamada ee degmooyinka, sidoo kale waxa uu la kulmay qaar ka mid ah Ciidamada ku sugan Isgoysyada kuwaas oo habeen iyo maalin u taagan xaqiijinta amaanka Muqdisho.

Khyerre ayaa Ciidamada kula dar-daarmay iney xaqiijiyaan amaanka magaalada ayna shacabka la shaqeeyaan, dhinaca kale shacabka ayuu ka dalbaday iney garab istaagaan Shacabka Muqdisho.

 





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline