var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qormo Xiisa’badan oo ku saabsan Xaalada Soomaaliya,

 

Siyaasada oo kaliya xal manoqoto waxaa banaan xirfado kale oo tira badan hadaa kala qeybiyo :

 

1: Siyaasada : 30% qiyaas aan isleeyahay somalida badi inee ku qafiifeen qaar ushaqa taga shaqooyinka dowlada iyo qaar kaloo falanqeeya kaga waalan kuwa ka shaqeeya.

 

2: Sports ka :  15% ayaa isleeyahay sida ee tahay loogama faa’ideysan. Kubada Cagta, kubada kolayga, feerka, orod ka, iyo qeybo badan aan lasoo koobi karin iyadoo intaas eey u qeybsanto dhalintana ee yihiin 70%  Maxaa dhalintaas looga faaideyn waayay oo qaarna shaqaale dowlad ah qaarna askar kala ahoo duurka ku jirta qaarna shaqo doon ah.

 

3: Madadaalada AMA entertainment:  10% music industry, suuganta iyo luqada somaliga, riwaayadaha, films ka, media oo dhan dad badan oo aan aniga kamid ahay luqada somaliga iyo suuganteda waa ku liidana waa fursad banaan oo umadaan waalan badankood lagu mashquulin karo xagee lagu arkay 13 jir doorasho falanqeynayo iyo siyaasad,  aduunka maku arkeysid ..

 

4: Ganacsiga iyo Hal-abuurka : 15% ayaa isleeyahay inee somalida sameeyan ganacsi iyo Hal-abuur waana dad aad ugu wanaagsan ganacsiga laguna yaqaan inee yihiin risk takers waxey ubaahan yihiin basic training and motivation sida dadka loogu dhiiragalin lahaa inee ganacsi iyo halabuur Layimaadan

 

5: Waxbarashada iyo caafimaadka: 25% ayaa ku qayaasay inkastoo eeysan tayeysneen labaduba in la tayeeyo oo la hormariyo ayaa wanaagsan waa arin wanaagsan qof wuxuu qabta aan heysan oo fal xun ku dhaqaaqi lahaa in buug lo dhiibo.

 

6: Xoogsato: 5%. In ladhiiragaliyo dadka xoogsatada ah..

 

Waxaa fariintan u diraya qabyo dhameestirayasha oo dhan inee dadkaan intaas xirfad iyo jagooyin ukala qoondeeyan si xasilooni siyasad loo helo dadka halaga weeciyo halkaan jiho oo islaan iyo rag iyo caruurba kuwada mashquulsanyihiin eey haayan madaxweynaha dhahay, tagay, kahadlay, magacaabay.

 

Wacyagalin iyo horumar dhab ah insha allah

 

Qabyada waxaa kamid ah intaas oo idil kor aan ku xusay.. walaalayaal na mashquuliya si aan howshiina ugu mashquulin.

 

Dr, proff, ENG:  Ahmed Nuur Duqow

waan wada nahay kaligey ma ihi loool

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: