var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

QM oo sheegtay Inay kordhinaysa Kaalmada Bini’aadnimo ay siinayo Dadka Soomaaliyeed

Ilwareed Online –

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay Inay bilaabi doonaaan qorsho cusub oo looga jawaabayo xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya oo arimaha bini’aadnimada ay ka mid yihiin.

War laga soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ee (OCHA) ayaa waxaa lagu sheegay inay ka warbixin doonaan deeq bixiyayaasha gargaarkii ay gaarsiiyeen dadka Soomaaliyeed ee abaarahu ay ku dhufteen iyo howlo lagu dardargelinayo deeqaha sanadkan 2018-ka.

Xafiiska bini’aadanimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in wali xaalado bini’aadnimo oo daba dheeraaday inay ka jiraan gudaha Soomaaliya waxayna sheegeen in kaalmada sanadkan 2018 ay kor u qaadi doonaan QM.

Dhanka kale Qaramada ayaa sheegtay in Dad lagu qiyaasay tiradooda 6.2 million oo qof ayaa u baahan gargaar deg deg ah kuwaa oo ku dhawaad 5 sano xaalado abaar ah ku guda jiray.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author