Qiso igu qabsatay masjid Gaalkacyo ku yiil

Xilli ay Gaalkacyo iska qasnayd ayaan salaada cishaha naftayda ogaysiiyay inaan kusoo tukado masjid markaas iga agdhawaa , soo wayso qaatayoo waxaan xigsaday dhinaca daaqada xiga ee laynka ugu danbeeya qofka saddexaad ayaan ahay .

Markii aan rakuucnay rakcadii kowaad ayaa mid yar oo aan ducaysnayn daaqada kasoo tuuray rashka qarxa ee caruurta markii horana dadku qarax bay u wada toog hayeen . Dee aniga kolaa waxaa igu danbaysay anoo leh ” subxaana rabiyal cadiim ” qofba cabsida sibuu u wajahay anigu albaabka oo furan baa iga horeeyay horay baan gayr culus kaga tuurtay ilaa wax is badaleen oo waan cararay , oday isagu kici waayay mid buu dabada sii qabsaday , kuwo soo waysaystay oo islahaa ragcadaa ka gaara oo luguhu o qoyanaayeen mutuleelkiibaa u siibtay wiilkaas yar uma ducayn walee soo tan markii banaanka la dhoobtay laye ” war soo laabta meesha qarax kama jiree waa rashe ” , Sayid cabdulle xasan baa laga sheegay ” adba caqlaad leedehee carar maxaa dhaama “.

Mukhtaar Cabdi Warsame