var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qaxootiga Muslimiinta Suuriya iyo Ciraaq oo badalaya diintooda ,

Qaxooti farabadan ee kasoo baracay dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa kusugan dalkan Lebanon kudhowaad dhoor iyo tobansano dagaaladu kascdeen ciraq iyo Suuriya lixdii sana ee lasoo dhaafay , iyagoona halkaasi kusgaya magangalyo in loogu Qaado dalalka reer galbeedka ee sanadkasta  bixiya magangalyada boqolaal kun qaxootiga caalamka qaybahiisa ku kala sugan ,

Kaniisadaha ku yaala dalka Lebanon ayaa ka cabanaya Muslimiinta kasoo qaxay Ciraaq iyo Suuriya ee ka dalbanaya in qaataan diinta Keristanka,

Brouj hammoud oo ah Maamule kaniisad kutaala dalkaasi ayaa ku eedeeyay in ay dhamaantood dadkaasi yahiin kuwa doonaya in ay helaan Waraaqadaha  magangalyo doonka siloogu Qaado dalalka USA CANADA EUROPE, waxayna ogsoonyahiin in Magangalyada dhaqso  lasiinayo dadka laga tirada badanyahay diin ahaan ,

 

Brouj oo warbaahinta lahadlaya ayaa yiri” maalinkasta dad badan ayaa ii yimaada iyagoo iga baryaya in ay rabaan qaadashada diinta keristanka, ma ahan in kucayaaraan diintooda oo ay uqataan diinteen kale sida ay kuheli lahayeen safar dibadda ah”

 

Dhinaca kala Hay’adda UNHCR ayaa tixgalin buuxdo siiso codsiyada qaxootiga gaar ahaan Kuwa haysta diinta keristanka ee kasoo qaxay dalalka Muslimiinta Syria, Ciraaq oo ay aad ugu adagtahay in dib loogu celsho maadaama ay yahiin kuwa laga tira badanyahay diin ahaan,

 

Warbixino  qaar ee lagu daabacay warbaahinta maraykanka ayaa sheegeysa in ay aad usoo korartay Soogalootiga tirada dadka qaxootiga Suuriyaanka ee heysta diinta keristanka , waxayna cadeeyneysaa in 11% ay ahayeen tirada dadka keristanka ah ee ku suganaa wadanka suuriya kahor inta uu bilaaban  dagaaladan , hadasa waxaa mooda in lanbarka dadka keristanka ah ee kasoo jeeda Suuriya ee yimid America aad uga badanyahiin lanbarkii awal dunidu heysatay,

 

Qaxootiga muslimiinta kusugan xeryahaasi qaxootiga ku yaala dalka Lebanon ayaa muujinaya farxad dheeri ah iyagoo adeegsanaya calaamadaha lagu yaqaano dadka heesta diinta keristenka ,

Sida Sawirkan ka muuqata dadka qaxootiga qaar kamida waxa ay kuqorteen teendhada ay daganyahin calaamada saliibka , qaarkood waxa ay aadayaan kaniisadaha si ay ugasoo bartaan cashara ku adan diintan cusub ay sheegnayaan.

 

Ku’yaacitaanka keniisadaha dadkan diinta badalanaya ayaa kusoo adeysa kadib markii dhowaan dowlada Lebanon kudhawaaqday in ay qaxootiga Suuriya iyo ciraaq lagu celindoono dalkooda goobaha amaanka ah, ayna ku adagtahay dowlada in ay intaan ka badan dalkeeda kusugnaadaan tira badan oo qaxooti ah culeyso kala duwan oo kayimid dhanka caalamka wax loogu qaban lahaa kala qaadista dadkan qaxootiga,

 

Hey,adda UNHCR ayaa iminka bilowday in ay dadka baaritaano dheer udirto si loo xaqiijiyo asalkooda dimeed waxa uu ahaa, madaama dad badan ka beensheegeen diinkooda iyagoo doonaya in laqaado kaliya,

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: