var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qaraxyo saakay ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho

Aroornimadii hore ee saakay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay laba qarax oo ismiidaamin ahaa, isla markaana ay ka dhasheen qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay agagaarka Warshadda Nacnaca, balse haatan lagu tababaro ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana la sheegayaa in loo adeegsaday gaari nooca Mini Bus ah oo Soomaalidu u taqaano Caasiga.

Ku dhowaad shan ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaasi iyo tiro intaasi ka badan oo ku dhaawacmay, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah, iyadoo iminka halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka oo baaritaano ka wada halka uu qaraxa ka dhacay.

Dhinaca kale daqiiqado kahor waxaa qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay agagaarka Hotelka Xaashi Wehliye kaasi oo dhawaaqiisa inta badan laga maqlayay magaalada Muqdisho ayaa geystay qasaarooyin lixaad leh, inta oo aan weli la helin qasaaraha ka dhashay.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: