var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka madaxtooyada

DEGDEG: Qarax xoogan oo is miidaamin ah isla markaana loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow ka dhacay wadada u dhaxeysa xarunta Tiyaatarka Qaranka iyo guriga hooyooyinka oo u dhow Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya inay jiraan qasaarooyin lixaad leh oo qaraxaasi uu geystay wadadaasi oo ka mid ah waddooyinka aadka u mashquulka badan.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa xiray agagaaraha halka uu qaraxa ka dhacay, iyagoona bilaabay daad gureynta dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaraxa ay waxyeelooyin kala duwan ka soo gaareen dad rayid ah, hase yeeshee wararkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa faahfaahinta iyo qasaaraha ka dhashay.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: