Ilwareed Online –

Labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay qarax xoogan oo galabta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Qarax ayaa lagu bartilmaameesaday goob maxaaaqi ah oo ku taala xaafadda Farmajo, lamana oga in gaariga qarxay uu la socday qof ismiidaamiye ah iyo in kale.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa xiray goobta uu falku ka dhacay waxaana socda baaritaanno la xiriira sida uu qaraxu u dhacay.

Saraakiisha hay’ddaha amniga kama aysan hadlin arintan mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online