Qarax ay Ku Dhinteen Tiro Askar Kenya ah  oo Ka Dhacay Kutuloow

Wararka ka imaanaya Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in qarax Miino oo dhulka lagu aasay uu ka dhacay deegaanka Kutuloow ee hoos taga degmada Wajeer.

Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari dagaal ay la socdeen Ciidamadda Kenya oo marayay deegaankaas.

Inta la xaqiijiyay 8-askari ayaa ku dhimatay qaraxa,waxaa sidoo kale burbur uu gaaray gaarigii dagaal ay wateen Ciidamadda Dowladda Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in qaraxa ay ku dhinteen 8-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Kenya.

 





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline