var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qalalaase siyaasadeed kii ugu xumaa oo soo foodsaaray Sweden

Ilwareed Online –

Waxaa taagan qalalaase siyaasadeed oo soo wajahay dowlada wadaaga ah ee dalka Sweden. Saacadaha soo socda ayaa laga yaabaa inuu iscasilo Raysul wasaaraha dalka sweden Mudane Stefan Lövfen.

Ka dib kolkii xisbiyada mucaaradka ee uu hogaamiyo xisbiga modertaterna ee garabka midig oo taageero ka helaaya xisbiga cunsuriga ee Sverigedemokraterna ay go,aan ku gaareen iney si wadajir ah codka kalsoonida ugu qaadaan dowlada, ayna ridaan.

Maadaama dowlada uu hogaamiyo xisbiga shaqaalaha aaney haysan aqlabiyada baarlamaanka waxaa ay go aansatay iney iscasisho kol haddii mucaaradku ku adkaysto iney codka kalsoonida ku ridaan dowlada.

Xiriir aan la sameeyey madaxda dowlada sweden iyo xisbiga shaqaalaha ee aan ka mid ahay waxaa ii xaqiijiyeen iney aad ugu badan tahay in dowladu iscasisho. Doorashadii guud ee dalka sanad ayaa ka dhiman.

Bal aan eegno halka qalalaasahaan siyaasadeed caga dhigto. Arrintaani waa mid ugub ku ah dalka sweden.

W/Q: Abdirisak Hussein

 



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: