var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qalabka Maamulka Hawada oo la Geeyey Muqdisho

“Dawladda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka billowday rakibaadda qalabkii lagu maamuli lahaa Hawada Soomaaliya, ka dib, markii muddo sagaal bilood ah lagu muransanaa qalab ku jiray ilaa sagaal konteennar oo loo waday xafiiska laga maamulo Hawada Soomaaliya ee ku yaalla Magaalada Nairobi oo lagu hayay garoonka Aaden Cabdulle ee Magaalada Muqdisho, kaasoo markii danbe la isku afgartay in Muqdisho loo daayo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Salaad iyo injineerro ka socday shirkad laga leeyahay Dalka Talyaaniga oo qalabkaan rakibaysa ayaa sheegay in muddo sagaashan maalmood ah lagu dhammayn doono hawshaan, wixii markaa ka danbeeyana lagu shaqayn doono qalabkaasi.

Tan iyo markii ay burburtay Dawladdii Soomaaliya 1991kii, waxaa diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya laga hagi jiray Magaalada Nairobi.

Sida Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad uu u sheegay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Aaden.”

Xigasho; Fardosa Mohamed Elmi

https://www.voasomali.com/a/3930719.html

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: