var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qalab si live ah looga arkayo gudaha jirka bani’aadamka oo la soo saaray (Daawo Sawirro)

Ilwareed Online

Seynisyahano ayaa soo saaray qalab cusub oo kaamiro ah taasi oo lagu arki karo waxa ku jira gudaha jirka bini’daamka, waxaana loogu talogalay in loo isticmaalo sababo caafimaad.

Kaamiradan ayaa waxaa lagu rakibay illeysyo iyo diirado sahlaya in la arko gudaha ubucda bini’aadamka.
Wixii hadda ka horeeyay, shaqaalaha caafimaadka ayaa adeegsan jirey sheeybaaro iyo raajo qaali ah si ay u darsaan gudaha qofka jirkiisa waxa ku dhacay ama ka jira marka la baarayo caafimaadka qofka.

Prof. Kev Dhaliwal oo ka tirsan jaamacadda Edinburgh ayaa sheegay in qalabkan uu leeyahay faa’iidooyin aad u badan, waxayna bahda caafimaadka ka caawin doontaa in ay si sax ah u daweeyaan xanuuno badan.

Tijaabooyin horay loo sameeyay ayaa muujinayay in illeyska kaamiradan uu ka dusi karo illaa 20cm oo nudayaasha jirka ah si loo arki karo waxa gadaashooda ah.

Waxa uu mashruucan kaamirada lagu soo saaray qeyb ka yahay mid la doonayo in lagu soo saaro qalab kala duwan oo xagga caafimaadka loo adeegsado si daweynta dadka ay u noqoto mid ka sahlan sidii hore.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.