var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Qaadkii  Ka imaan jiray Kenya oo maanta laga joojiyay inuu ka soo dago Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Ganacsatada Qaadka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan saakay Garoonka Aadan Cadde soo caga dhigan doonin Diyaaradaha Qaadka ee ka imaan jiray Kenya.

Waxaa jira khilaaf udhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda ee Xukumadda Soomaaliya iyo Ganacsatada Qaadka oo ka dhashay Canshuurta Qaadka oo la kordhiyay taas oo ay diideen Ganacsatadii Qaadka Keeni jiray Magaalada Muqdisho.
Dowladda fedraalka ayaan faah faahin ka bixin weli muranka kala dhaxeeya Ganacsatada keena Qaadka, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Wasaarada Maaliyada.
Dhanka kale waxaa la sheegayaa in Diyaaradaha Qaadka keeni jiray ay ka dagi doonaan Garoonka Magaalada Jowhar ee Xarunta G/Shabeelaha Dhexe kadibna Gaadiid lagu soo qaadi doono.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: