var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Orodyahan Mo Farah oo xalay Ku Fashilmay Inuu Ku Guuleysto Orodka 5000 mitir

Ilwareed Online

Orodyahanka reer Britain ee asalkiisu Soomaaliga yahay Mo Farah ayaa xalay looga guuleystay orodka 5000 ee mitir tartanka ciyaaraha fudud ee ka socda magaalada London.

Mo Farah oo sanadahan dambe looga bartay guulo isdaba joog ah oo uu ka soo hoyay bilado dahab ah ayaa caawa waxay u aheyd habeen wanaagsaneyn ka dib markii uu kaalinta labaad ka galay tartankan.

Waxaa kaalinta koowaad ee taranka 5000 ee mitir caawa ku guuleystay Mukhtar Idiris oo u dhashay dalka Itoobiya, halka kaalinta saddexaad uu galay Paul Chelimo oo ka socday Maraykanka.

Waxaa la arkayey Mo Farah oo dhulka seexday markii looga guuleystay kaalinta koowaad, isagoo wejigiisa ay ka muuqato murugo fara badan, kana xun guuldarada soo gaartay.





Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

AKHRISO  Amaanada – Akhlaaqda iyo Burburka umadaha (3)

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: