OGOOW BADEENA YAA CADAW SIIYAY? YAA DIFAACAY? YAA KULA HESHIIY SHIRQOOLKII KENYA MAXKAMADA ADUUNKA?

Kenya waxay shalay inaga dhacday NFD dad iyo dhul soomaaliyeed,inagoo ciilkaa inagu gaamuray ayay hadana badeenii u soo dhigatay! 116000km boqol iyo lix iyo toban kun oo kiilo mitir oo isku weer yay inaga dhacaysaa oo salku yahay ceelasha shidaalka. kaartadan ama khariidadan ayaa laga diiwan galiyay xafiiska badaha aduunka ee Newyork oo ragsoomaaliyeed sidan heshiiskula galeen kenya una sixiixeen gablan tala aduuneey maxay galaba heer joogtay.

Maqaalkan oo ah mid aad u kooban ayaan si dulmar ah uugu soo qaadanaynaa,xaalada badeena ee Dalka dariskeena ahi waa Kenya ee ay duulaanka kutahay iyo waxa ku kalifaaya arinkaa.Kenya hore ayay uugu guulaysatay in ay hanato dhul iyo dad soomaaliyeed 1963 dii. waxaana jira dalal kii qarada afrika guumaysan jiray qaarkood ay garab uugu ahaayeen dhulkeenaa iyo dadkeenaa la dhacay. Gumaysiguna fikirkiisaa ahaa qaybi oo xukun qaarada afrika.

Kenya markay ogaatay in soomaaliya burburtay oo meeshii kabaxday dawladii bad iyo bari iyo cir difaaci jirtay 1991 dii,ayaa waxaa galay damac weeyn oo ah in ay lawareegto bada soomaaliyeed ee dhanka jubada hoose oo xeebta ah. waxayna fursad gabaad ka dhigatay xeerkii badaha aduunka oo xuquuqda dalwalbaa u leeyahay badiisa sigaara la kordhiyay. dawladii cabdullahi yusuf ayay arimahaas kala hadleen bada wuxuuna uugu jawaabay "soomaaliya xiligan diyaar uma aha waxaan ahayn dhismo dawlad nimadeeda ah kolkaa adeer raali baad naga ahaanaysan" cabdullaahi wuxuu layaabay damaca waalan ee kenya! waxaa ku xigay dawladii shariif kenya waa u soobandhigtay damaceedii oo ahaa in khariidada bada ee kenya lagu daray badeena ilaa meel qarka u saaran magaalada kismaanyo, kadibna soomaaliya iyo kenya oo garabka is haysta heshiisna ku ahaa khariidadaas badeed laga diiwaan galiyo ururka badaha aduunka ee kuyaal Newyork ee dawladaha badaha lihi badankoodu kayihiin xubnaha.

shariif oo ahaa madaxweyne iyo cumar cabdi rashiid oo ahaa raysal wasaare iyo cabdiraxmaan cabdishakuur oo ahaa wasiir ayaa u fuliyay hawshaa kenya,waxaana ugu danbayn sixiixay oo fuliyay hawshaa cabdiraxmaan cabdishakuur oo ku sixiixay dalka kenya caasimadiisa nairobi waa taariikh cad oo dunida oo dhami ogtahay. maxay kenya u rabtaa badeena? marka laga sootago khayraadka kaluunka iyo baxaada badeed oo ah mid aad ubalaaran ayaa hadana waxaa jira xog ay hayso oo norwey siisay oo ah dhawr ceel oo shidaal oo mid kamid ah uu yahay inta bad ceel shidaal laga helay dunida kii uugu badnaa oo aan hortii cidina arag dhagina maqal. damacaas ayaa wada kenya dawlado waaweeyn oo galbeedka ah ayaana garabtaagan iyo dalal carbeed.waxaana xusid mudan in kenya dariskeeda oo ah dalka tanzania ay ku qabsatay bad taasoo loo xukumay tanzania.

shariif iyo cumar iyo cabdiraxmaan waxay nicmadaa hodanka ah ee illaahay siiyay soomaaliya ku badasheen xoogaa doolar ah oo jeebka loo galiyay!! nasiib wanaag baarlamaankii xiligaas ayaa gadooday oo rag wadani ah oo ruugcadaaya ayaa u kacay oo shir dagdag ah galay kadibna baarlamaanku wuxuu u codeeyay in heshiiskaa lageeyay Newyork ee kenya iyo soomaaliya wada jir ugeeyeen yahay waxba kama jiraan soomaaliyana ay bari katahay khiyaano kenya dhoob dhoobtay. kolkaa qaramada midoobay waxaa soo gaaray go aankii baarlamaanka soomaaliyeed ku diiday oo ku laalay heshiiskaa baadalika ah ee khiyaano sharcina aan ahayn. kadibna golihii aduunku wuxuu aqbalay oo sixiixay in lalaalay heshiiskaas ururkii badaha aduunkuna wuu kasaaray diiwaan galintii hore gabi ahaanba waana guushii uugu waynad oo badeena lagu difaacay waxaana ku mahad san baarlamaanka soomaaliyeed.waan ognahay in baarlamaanku kacay uun markii dad weynuhu kaceen oo ladareemay in dalkiiba la iibsaday,hasayeeshee waa umahad celinaynaa. Waxaana xusid mudan aqqoon yahana soomaaliyeed oo xili hore baraarugsanaa oo lahaa webka lagu magacaabo www.SomaliTalk.com kuwaas oo baarlamankii xiligaa u geeyays xogta lagu dhacaayay adeena waa uducaynaynaa taariikhdaana xusidi doonta ayaha dhaw ragaas.

XASAN SHEEKH OO KENYA LAGALAY HESHIIS LOOGU MARKHAATI KACAYO KENYA IN AY LEEDAHAY BADA

Sida lawada ogsoon yahayba,badeenii baarlamaanku difaacay,waxaa la dhigay shirqool kale oo laga qariyay baarlamaanka soomaaliyeed ee xiligaas taasoo ahayd ahana qiyaano qaran,heshiiskaas oo dhex maray si qarsoodi ah xasan sheekh iyo dalka kenya,kaasoo ahaa in kenaya iyo soomaaliya maxkamada aduunka isla tagaan,iskana dhigaan in soomaaliya ay bad keenya leedahay haysato oo ahaa cinwaanka dacwada bada oo kenya qoratay,xasana iska dhigo nin difaacaya, difaacid aan dhab ahayn kadibna kenya guulaysato isaguna lasiiyo aduun lacageed iyo in kursiga uu ku guulaysto xiligaa marlabaad.hadii farmaajo yimid kenaya dacwadii oo dhan waa ka cararatay oo wadahadal bay dalbatay taasoo madaxweyne farmaajo iska diiday una qabsaday garyaqaano ah kuwa usareeya aduunka ee difaaca badaha laysku haysto. kenaya runbay aragtay waxaana fashilmay qorshaheedii xasan sheekh oo aysan filayn in farmaajo soobaxayo xiligaas. waa xusid mudan in wasiir fowziya cadaysay in xasan sheekh diiday in baarlamaanka loo sheego heshiiska dacwada bada!!!! oo ay ku kariwayday arinkaa. lama arag xasan oo kahadlaaya badeena la dhacay maxaayeelay kenaya heshiiskii ayay soo bandhigaysaa faraalaga hayaa kuma dhaco in uu hadlao.

Kenya dhabarkay ka jabtay,laakiin ma quusan waxay soo rogaal celisay markii xasan sheekh xukunka dalka qabtay,waxayna ka dhaadhicisay in arinkii bada dib loo furo waxayna u kaxaysteen dalka holand oo maxkamada aduunku kutaal,waxayna iska dhigeen inbada ay ku muransan yihiin oo lakala xukumo!! isla markaana kenya waxay ogtahay in ay guulaysanayso oo xasan garabkooda yahay isagoo matalaaya in uu difaacayo bada soomaaliya. qof soomaaliyeed oo ogaa majirin arinkaa oo ah wasiir ama xubin baarlamaan midna. arintii baarlamaankeenu laalay ayaa hadana xasan la kaxaystay oo dacwo la furay taasoo keentay in soomaalidu is waydiisay mardanbe warmaxaa dacwo inagaliyay sowtii badeenii baarlamaankeenu difaacay? bal adba garo waa yaabka yaabkiis iyo afkala qaad!!!

Waxaa taariikh xumo ah danbiilayaashii khiyaamo qaran galay ee halkaa dhigay badeenii in wali aan lasoo hortaagin maxkamed danbigay galeen awgiis! shacabka soomaaliyeed waa in ay dacwad ka furaan dal iyo dibadba kuwa danbiilayaasha ah si aynu unoqono dad leh dal iyo diin iyo damiir oo sharciga ilaaliya.qofkastoo soomaali ah maxaa u diidaaya in uu dalka iibsado,in uu diinta badalo islaamka ah ee aynu haysano,in uu dadka iska dilo kolhadaan jirin cid maxkamad horkeeni kartaa?? kii dalka gatay ayaa kuleh waliba madaxweyne ayaan kuu noqon halkaa ka fahan in aynu nahay shacab dhintay jabay oo hoogay.

seen ufiir sanaynaa siyaasiyiinta cadawga kasii xun ee soomaaliyeed? sidee wali u joogaan dalkeena oo sharciga aan loo marinaynin? ishiisa laga arkaa u shiisa lagu tumaa.shacabka soomaliyeed iyo dawladuba halatiigsadaan danbiilayaasha shirciga. ninkii dil usoobaxo hala geeyo tiirka kii xabsi daa in usoobaxana sharciga hortiisa halageeyo xabsiga. waxaa xusid mudan in kenya hor iman ladahay maxkamada aduunka oo hadba ay cudurdaar been ah sheeganayso sababtoo ah dalkeena waxaa timid dawlad qableh oo wadani ah difaacaysana badeeda iyo barigeeda iyo cirkeedaba,oo aan marnaba aqbalayn damaca kenya ee guracan. dadwaynaha soomaaliyeed waa yaqaan ninka dalka uroon iyo kan beecinaaya. waxa ka dhiman hada oo kaliya in danbiilaha ay maxkamad lafuulaan oo kaliya.

waxaad hada fahantay yaa badeena geeyay Newyork oo kenya gacanta qabatay oo daadihisay, kuna wareejiyay. yaa laalay heshiiskaa dulmi oo ugudbiyay golaha aduunka, wixii baarlamaankeenu inaga badbaadiyay ee dunidiina ku raacday ee jamciyada qurumaha ka dhaxaysaa ogtahay,yaa hadana dib inoo celiyay oo inagu furay sheekada holand maxkamada aduunka? yaa hada ina difaacay.img_4829
maxkamed sugayaal ku eedaysan khiyaamo qaran 2009 bada dalkeena ku wareejiyay kenya.

Maxkamad suge Hasan shekh khiyaamo qaran bada soomaaliya bixiyay isagoo heshiis qarsoodi ah oo baarlamaankii laga dhuuntay laglay kenaya qaab xeeladaysan si logu dhaco badeena isaguna helo lacag iyo kursi kenya siiso.ninka dalkiisa iyo diintiisa cadaw shisheeya ah u gacan galiyaa aduunkana silic iyo foolxumuu ku dhamaystaa aakhirana haduusan toobad keenin cadaab daran buu dhadhamiyaa.mujrimka iyo dhagar qabuhu taariikh madaw oo xun buu katagaa.