var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

OGEYSIIS: Maharajaan Soomaaliyeed oo lagu qaban doono Aarhus, Denmark 7 July 2017

0

Waxaa dhamaan Jaalliyada Soomaaaliyeed ee ku nool dalka Denmark lagu wargelinaa in ay ka soo qeyb galaan barnaamij socon doona 3 maalin oo la kala qeybiyey sida hoos ku qoran:

1- Bandhig sawiro iyo buugaag ku qoran af-soomaali. Professor Georgi Kapchits ayaa ka mid ah dadka bandhiga ka qeyb qaadan doona. (Sabti 8-da luuliyo, waqtiga: kl. 14.00-23.00, cinwaanka: Gudrunsvej 10A Brabrand).

2- Dood ku saabsan jaalliyada soomaalida iyo ka mid ahaanshaha bulshada daanishka. (Jimce 7-da luuliyo, waqtiga: kl. 17.30-21.00, cinwaanka: Frederiksgade 78B Aarhus C).

3- Tartan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya 8 kooxood (under 20 yrs) oo ka kala yimid dalalka Ingiriiska, Sweden, Norway iyo Denmark. (Jimce iyo Sabti 7-da & 8-da luuliyo, waqtiga: kl. 15.00-20.00, cinwaanka: Dortesvej 47 Brabrand).

4- Bandhig faneed ay ka qeyb qaadan doonnaan fanaaniinta ah: LAFOOLE, FARAX KAFTAN, XUSEEN NUURIYOW, CABDICASIIS JARMAL, DEEQO AFRO IYO KOOX HIDDO IYO DHAQAN. (Axad 9-ka luuliyo, waqtiga: 14.00-22.00, cinwaanka: Dortesvej 47 Brabrand).

Faah-faahin intaas dheer fadlan kala xiriiir:
Daa’uud Ciidangale: +4520912259 (mobile) ama [email protected]

HA MOOGAAN OO HA KA MAQNAAN MAALMAHA FARXADA & FANTAASIYAHA AARHUS

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.