var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Ninkii Weerarka ka geestay London oo la aqoonsaday (Khalid Masoor oo 52 sano jir ah)

0

War kasoo baxay booliiska Britain ayaa lagu sheegay weerarkii xalay gaariga iyo tooreyda loo adeegsaday ee ka dhacay meel ku dhaw xarunta Baarlamaanka Britain ee magaalada London ay u badan tahay in uu fuliyay qof xariir la leh kooxda Daacish.

Sargaal katirsan waaxda la dagaalanka argagixisada dalka Britain ayaa sheegay in ay garanayaan ninka fuliyay weerarkii xalay ka dhacay London, waxa uuna tilmaamay in ay hada ku socdaab baaritaano meydka ninkaasi ayna saxaafada la wadaagayaan  ninkaasi.

Booliiska ayaan ninkaasi ku sheegay magaciisa Khalid Masoor oo 52 sano jir ah, oo ka yimid Birmingham. Waxaa magaaladaas ee Birgmingham baaritaan lagu sameeyey meeshii uu dagaanaa laga soo qobtay 8 qof oo looga shakisan yahay in ay ninkaasi la shaqeynayeen.

Mid ka mid ah Booliska oo lagu magacaabo Mark Rowley ayaa wuxuu baaritaan ku hayaa sababta, diyaargarowga iyo qolola ka danbeysaa falkaasi,

Weerarka xalay ka dhacay magaalada London waxaa ku dhintay shan qof uu ku jiro ninkii weerarka fuliyay, waxaa sido kale dadka dhintay ku jira sargaal katirsan ciidanka booliiska Britain oo lagu magacaabo Keith Palmer, oo 48 sano jir ahaa.

Ra’iisul Wasaareaha dalka Brirain Theresa May ayaa si kulul u canbaareesay weerarkan , waxa ayna ku tilmaantay weerrarkaasi in uu ahaa mid shaydaannimo ah oo lagu qaaday xorriyadda, dimuqraadiyadda Britain.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.