NINKII ABAARTA U SOO ADKAYSTAY AYAA AARANKA-NA UMMADDA U ADEEGAAYO!!!

Ayaantii {maalintii} in muddo ah la sugayay ayaa timid, waqti badan ayaa la dhararayay soo galitaanka maalinta ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Degmada Warshiikh, dadaal iyo orod midkii ugu sarreeyay ayay sameynayaan musharaxiinta u taagan xilkaasi.

Waa leysku dhagan yahay, luqunta ayaa la is-haystaa, xod-xodashada xubnaha Golaha Deegaanka ayaa socoto, arintu waxay taagan tahay Nasiibku waa halkiisee, dadaalku yuusan igu yaraanin, Seddex musharax oo mid ay Dumar tahay ayaa ku hardamayo hogaaminta Warshiikh.

Hurdo, hoyaad iyo nasasho kama jirto halkaasi, musharax kasta wadnaha ayuu farta ku hayaa, cabsi iyo wel-wel waxaa laga qabaa sida ay wax u dhici doonaan maalinta doorashada oo ku beegan 15/8/2019-ka

Marka la tartamo cid ayaa adkaata, fardo la isu hayo la isuma faansho, saacaddo kooban kadib, waa la kala guuleysan doonaa, biyo iyo budo ayaa loo kala bixi doonaa, hal musharax ayaa noqon doono Guddoomiyaha la soo doortay ee Warshiikh,.

Saadaal hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujinaysa in si adag loogu loolami doono kursiga ugu sarreeya ee Degmadaasi, inkastoo ay taasi jirto ayaa haddana ifafaalaha muuqda waxa uu caddeynayaa in ugu dambeyn ay guusha raaci doonto Guddoomiyaha xilligaan ee waqtiga adag soo shaqeeyay.

WD:C/Laahi Shiikhaalow





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline