var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Nin Shiinaha u dhashay oo jiha qaldan ku socday illaa 500km

Nin Shiinaha u dhashay ayaa 30 maalmood baskiil u kexeynaayay jiha qaldan.

Ninka wuxuu doonayay inuu tuulada ka soo jeedo uu gaaro ka hor sanadka cusub ee dalkaasi Shiinaha.

Ninka ayaa u jeedadiisu waxay ahayd inuu gaaro deegaankiisa oo ah magaalada Qiqihar ee gobolka Heilongjiang.

Balse wuxuu ka sii fogaaday halkaas qiyaastii 1,700km, wuxuuna ka safray Rizhao.

Booliska ayaa joojiyay markuu baaskiilka kexeynayay illaa 500km, xilligaas wuxuu marayay gobolka bartamaha ee Anhui.

Ka dib markii ay ogaadeen inuu lumay, waxay booliska u iibiyeen tiket tareen si uu u geeyo deegaanka uu ku socday.

 

Ninka wuxuu safarka billaabay bartamihii bishii December illaa bishan January ayuu ku safrayay baaskiilkiisa, jiha qaldanna wuu ku socday.

Wararka waxay sheegayaan in ninka uu seexan jiray mehradaha ganacsiga, uuna yahay qof sabool ah, mushaarkiisuna yaryahay.

Wuxuu doonayay inuu sanadka cusub ee Shiinaha deegaankiisa ku dabaaldego, wuxuuna go’aansaday inuu baaskiilkiisa ku safro.

Ninka oo aan la magacaabin, ma garankaro maabka ama khariidada, taas oo micneheedu yahay inuu ku tiirsanaa waxa ay dadka kale u sheegaan.

Booliska ayaa qabtay asigoo waddo weyn oo aan loogu talagalin baaskiilka ku socda.

Laakiin markii la ogaaday inuu lumay, booliska iyo dadka shacabka ah ayaa lacag u uruuriyay, si deegaankiisa uu u gaaro.

AKHRISO  Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay qeybaha bulshada gobolka Hiiraan + Sawirro

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: