var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Nin 36 jir soomaali ah oo ugu xiran wadanka Denmark 16 sano, si xaq daro ah

Cabdulle Axmed ayaa yimid wadanka Denmark isagoo ah 12 jir, mudo dhan 16 sano ayuu Cabdulle Axmed ku xiran yahey meel loogu tala galey dadka waalan, sida la ogyahay ninkan khatar kuma aha shacabka, iyadoo aysan waxba ka jirin khatarta ama waalida lagu soo oogey.

Cabdulle Axmed ayaa ah nin maskaxdiisa aad uga sareysa shacabka caadiga ah.

Halka Cabdulle Axmed uu ugu jiro sida xaqdarada ah laguna qasbo daawooyin maandooriyaal ah isagoo waxna galabsan, wuxuu xabsiga kula jiraa dad dambiyo waaweyn galey, waxaa la ogaaday in ninkan Soomaalia ah uu khatar ku aheen shacabka.

Mudo aan aad u dheereyn ayey arinta Cabdulle Axmed noqotey mid ay dowlada Soomaaliya soo dhaxgasho, sidaa daraadeed ay noqotey mid Diblomaasiyeysan.

Safiirka u fadhiya Soomaaliya EU Mudane Cali Siciid Fiqi, ayaa isku dayaya inuu soo daayo Abdulle Axmed.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya EU Mudane Cali Siciid Fiqi, ayaa cadeeyey in Cabdulle Axmed uu yahay nin Soomaali ah, xabsiga uu ku jirana ay tahey mid maskaxdiisa iyo jirkiisaba wax loogu geysto.

Wiil walaalkiis ah “Walaalkey sidaan looma geli laheen hadii uu Soomaliya joogi lahaa, inkastoo xabada duuleyso Soomaaliya”.

Danjire Mudane Cali Siciid fiqi marka uu la xiriirey wasaarada sharciga ee wadanka Denmark ayaa loo sheegey in “kiiska Cabdulle Axmed” aysan ka hadleyn. Markii uu isku dayey inuu booqdo Cabdulle Axmed waa loo diidey.

Danjiraha ayaa shaqo fiican qabtey, dadaalkiisana waxaa ka mid ah in uu Cabdulle Axmed uu u qabto qareen ama looyar caan ah laguna magacaabo Erbil Kaya.

Lawyerka Erbil Kaya ayaa isku dayey inuu booqdo Cabdulle Axmed, waana loo diidey, sidoo kalena waxaa loo diidey Lawyarkan inuu arko daawooyinka la siiyo Mr Cabdulle Axmed.

Erbil Kaya ayaa ku tilmaamey kiiskaan mid ay ku ceebeysan tahey wadanka Denmark, kuna dacweydoono ururka xuquuqda bini aadamka.

Cabdulle Axmed qof ma dilin, gabar ma kufsan, wax uu qof ugeystey ma jirto. Mudadaas 16-ka sano uu xirnaa faamilkiisa looma ogalaan in ay arkaan hal maalin.

Dowlada Soomaaliya waa iney wax ka qabataa arintaas, hadii ay dowlada Soomaaliya Arinkaan ay ku guuleysato waxaa u suurta galaysa in dhibaatooyinkaan oo kale oo ka jirata meelo farabadan oo Soomaali badan ay ku xirxiran yihiin xabsiyada aayaa sahlanaan doonto in wax loo qabto.

http://politiken.dk/indland/art5865681/36-%C3%A5rig-sp%C3%A6rret-inde-p%C3%A5-16.-%C3%A5r.-Nu-vil-familien-have-ham-ud-af-Danmark

AKHRISO  Angela Merkel: Yurub iskuma halayn karto US iyo UK

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: