var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Natiijada baaritaanka dadkii lagu dilay Xamar Weyne oo maanta la soo bandhigayo

Ilwareed Online

Natiijadii baaritaanka loo xilsaaray Saraakiisha Booliska ee dhacdadii todobaadkii la soo dhaafay ka dhacday degmada Xamarweyne ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah la soo bandhigo, sida qorshuhu ahaa, horayna ugu dhawaaqay Wasiirka Amniga.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin lagu tuhunsan yahay inuu falkaas ka dambeeyay, kaasoo la sheegayo inuu ka mid ahaa ciidamada dowladda

Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkan lagu haayo Xarunta Dambi baarista ee CID, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in Saraakiisha Booliska iyo Wasiirka Amniga warbaahinta la hadlaan, si ay u faah faahiyaan dhacdadan.

Dhacdadii ka dhacday degmada Xamar weyne ayaa su’aal badan ka dhalatay, qaabkii ay ku baxsadeen kooxo dil ka geystay Xamar weyne oo watay gaari yar, iyadoo halka uu dilka ka dhacay ay ka ag-dhowaayeen ciidamo.

Gaariga la rasaaseyay ayaa waxaa laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, waxaana rasaasta lagu furay ku geeriyooday Canab C/llaahi Xaashi oo aheyd Xoghayaha Ururka iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha oo lagu magacaabayay Axmed Shariif Jaamac.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in arrintan aan la aqbali karin in dad lagu dilo Xamar weyne, kadibna la baxsado, waxaana uu ku amray Saraakiisha Booliska inay keenaan dadkii ka dambeeyay, hadii kale ay dad badan xilkooda weynayaan, xitaa isaga.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi, Xamar jajab iyo Xamar weyne waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loogu geystay illaa shan ruux oo uu ku jiro Jeneraal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: