var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Nabadoon Caan Ah oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Ilwareed Online –

Wararka ka imaanaa Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in caawa xaafada Mac macaanka lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa Degmadaasi, waxaana gooba dilka ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkaasi.

Goob joogaaal ayaa ku waramay in Kooxo biskoolado ku hubeesan salaadii Cishaha kadib ay dileen Nabadoon Geedi Firdhiye oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay Degmada Dharkeenley.

Ciidamada amaanka ayaa dilka kadib goobta gaaray, waxa ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan wax naiijo ah kasoo bixin, waxaana Meydka Marxuunka laga qaaday halkii lagu dilay.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay Nabadoono badan oo qaarkood la sheegay in ay kamid ahaayeen xubnihii wax kasoo doortay Xildhibaanada Aqalka hoose ee lagu soo doortay xarumaha maamul goboleedyada.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: