var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

MW Farmajo, RW Khayre & Taliyaha nabad sugida Mudane Sanbalooshe xagey ku degdegayaan??

0

Wax garadki ummadda Somaliyeed intooda badan waxay isku waafaqeen in Hub ka dhigista ay tahay arrin aan waqtigaan ku habooneyn, balsa bedelkeeda loo baahan yahay waxay ugu yeereen Xasilinta amniga Muqadishu, waxay isku raaceen in Hub ka dhigis ay u baahan tahay Barnaamij cad iyo dhaqaalo xoogan, kalsooni ummaddeed ,dib u heshiisiin ,ciidan mideysan oo dalka yeesho, helitaanka Barnaamij Cad oo labada aqal la horgeeyo, yaa hubka dhigayo, qaabkee loo dhigaa ,xagee lagu keydinaa hubka laga qaadayo dadka ,xagee laga bilaabaa ,ma dalka oo dhan masa Muqaadishu.

Sidoo kale BBC oo warbixin ka diyaarisay imisa jeer ayaa laysku dayay in dadka Magaalada Muqadishu hub ka dhigis lagu sameeyo iyo in gebi ahaanba arrintaas horay loogu fashilmay, sabab waxay uga dhigeen in aan hub ka dhigista loo marin wadda saxan.

Waxaa in hubka laga dhigo magaalada Muqadishu ku fashilmay ciidanki Maraykanka horkacayay ee UNITAF, Itoobiyaan iyo Dowladi Cabdullahi Yusuf oo wada socday, Dowladii MW Xasssan Sheekh.

Waa su’aale MW Farmajo, RW Khayre & Taliyaha nabad sugida Mudane Sanbalooshe xagey ku degdegayaan, maxaasa u diiday falkooda hub ka dhigis ka hor in ay la yimaadaan barnaamij cad oo la horgeeyo labada Aqal??

Saddexdan Mas’uul awood kuma dhamo dowladahaas ku fashilmay dhamaan in ay hub ka dhigis ku sameeyaan Reer Muqadishu,maxaa saddexdan u diiday in ay horta dadka tusaan magaala amaan ah oo lays ku haleyn karo, ka hor ku dhawaaqista hub ka dhigis ku eg Muqadishu oo kaliya??.

Hubka dhigis waxaa ka horeeyo abuuritaanka kalsooni la galsho quluubta dadka aad hubka ka dhigeyso iyo ka adkaashada shabaab iyo magaalada Muqadishu oo laga dareemo amni laysku haleyn karo.

Qoraalkii: Abdullahi Mocalin

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.