var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Muwaadin Soomaali ah oo Maxkamad Talyaani ku xukuntay Xabsi Daa’in.

Ilwareed Online

Muwaadin Soomaalin ah oo lagu magacaabo Cusmaan Mahamud, oo 22 jir ah ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, kadib markii lagu soo oogay dambiyo kala duwan.
Cusmaan Mahamud ayaa lagu soo eedeeyay inuu jir dil, kufsi iyo dilba u geystay dad Tahriibayaal ah oo doonaayay inay gaaraan Qaaradda Yurub, iyagoo dadkaasi tahriibayaasha ka soo tagay Waqooyiga Qaaradda Afrika, isagoo la sheegay Cusmaan inuu la shaqeysan jiray Kooxo kale oo aan Soomaali aheyn.


Muwaadinkaan Soomaaliga ah ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin Dil,Afduub madax furasho iyo Galmo oo lagula kacay haweenka Tahriibiyaasha ah, gaar ahaan kuwo aad u yar yar oo da’doodu yar tahay.
Maxkamadda ayaa la dhagaysanaayay markii ay bilaabatay wax ka badan 5- saacadood, ugu danbeyntiina waxaa lagu xukumay Cusmaan Xabsi madaxaa ha ku furto ah ama Xabsi Daa’in.

Dhanka kale Booliska Talyaaniga ayaa ninkaan ka qabtay Magaalada Milan, kadib markii halkaas ay ku arkeen dad Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii uu dhibaatada u geystay xiligii ay safarka ku jireen kuwaas oo aqoonsaday Wijigiisa.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.