var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Jowhar

Ilwareed Online

Musharax Daahir Cabdulle Cawaale ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo soo dhoweyntiisa ay ka qeybgaleen qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka Sh/dhexe iyo ururada bulshada rayidka ah.

Soo dhoweynta kadib ayaa wafdigii uu la socday musharax Dr Daahir Cabdulle Cawaale waxa la geeyay hotelka ugu weyn magaalada Jowhar halkaa uu xarun u ahaanaysa inta uu socdo ololaha doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

Musharax Daahir Cabdulle oo la hadlay saxaafada ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo dadweynihii ka qeybgalay soo dhoweyntiisa.

“Waxaan ahay musharax waxaan ballanqaadayaa in aan ka shaqeyn doono horumarinta dowlad goboleedka Hirshabelle oo caan ku ah beero,xoolo iyo kalluun.”ayuu yiri Musharax Daahir Cabdulle.

Sidoo kale musharaxa ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii dib u heshiisiin dhab ah loogu soo dabaali lahaa bulshada ku nool Hirshabelle.

Musharax Daahir Cabdulle Cawaale ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee loo saadaalinayo in ay ku tartami doonaan madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

AKHRISO  Madaxweyne Cosoble:-“Marna Ma Aqbaleyno In Hirshabelle Cunaqabateyn La Saaro”

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: